Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay furriin ka dalbatay saygeeda markii uu casho u soo iibin waayay!

Haweenay furriin ka dalbatay saygeeda markii uu casho u soo iibin waayay!

Himilo FM –Haweenay u dhalatay  Imaaraadka Carabta ayaa saygeeda ka dalbatay inuu u baxo maqaayad islamarkaana u soo iibiyo hal Hamburger ah marka uu soo dhameysto sheekada saaxiibbadiisa.

Wargeyska Khaleej Times ayaa sheegay in ninka markii uu soo dhammeystay sheekada saaxiibbadii uu hilmaamay inuu soo iibiyo hamburger-ka ay ka codsatay xaaskiisa.

Markii uu guriga ku soo laabtay isaga oo gacmo maran oo aan wadin Humburger ayaa lagu soo waramayaa in muran uu dhax maray xaaskiisa oo kaga tashanaysay casho.

Sida laga soo xigtay wargeyska, haweenayda ayaa carrootay waxayna ka tagtay guriga iyadoo go’aansatay inay dacwad furriin ah furto.

Haweenayda ayaa qiil uga dhigtay go’aankeeda furriinka in saygeeda uusan xiiso u muujin rabitaankeeda markii uu xaafadda ku soo laabtay isaga oo aan wadin hal Humburger ah.

Ninka oo la wareystay ayaa sheegay in wakhti danbe ahayd hase ahaatee waxay u muuqataa in haweenayda aysan ku qancin arrintaasi iyadoo maxkamad u gudbisay dalabkeeda furriinka.

Xasan Almarsuuqii oo ah qareen ayaa sheegay in inta badan lamaanayaasha yihiin kuwa aan fahamsaneyn macnaha dhabta ah ee guurka, waxayna tani horseedaa kororka furriinka qoysaska.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan