Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / Khatarta “ Murugta lala qoslo” oo caafimaad ahaan laga digay!

Khatarta “ Murugta lala qoslo” oo caafimaad ahaan laga digay!

Himilo FM –Eray bixinta “Murugta lala qoslo” waxay noqotay mid si dhaqsiya u faafta, waxaana xaaladan qofka uu u muuqanayaa inuu faraxsan yahay balse xaqiiqada ayaa ah in uu murug darran dareemayo.

Waxaa mowduucan laga qoray maqaallo badan iyo baaritaano xataa waxaa eray bixintan laga helayaa boggaga wax laga baaro oo ay si ballaaran ugu fiday si wax looga oggaado waxa uu yahay xanuunkan.

Olivier Remez oo darajada PhD-da ka diyaarineysa jaamacadda Cambridge ayaa sheegtay in murugta lala qoslo tahay marka qofku murugsan yahay haddana uu ku guuleysto inuu qariyo dareenkiisa.

Waxay ka digtay in xaaladan qofka u horseedi karto inuu naftiisa ka takhaluso iyadoo loo arko inay tahay sababta ugu badan oo ay isku dilaan dadka da’doodu ka yartahay 35 sanno ee dalka Ingiriiska.

Waxay intaa raacisay haweenayda inay wanaagsan tahay in qofka laga dareemi karo waxa heysta oo aysan caafimaad darro uga imaaneyn.

Waxaa adag in la oggaado dadka qaba xannuunka “Murugta lala qoslo” iyagoo muujiya inaysan ka cabaneyn wax walwal ah laakiin xaqiiqada dhabta ah waxay tahay inay isku buuqsan yihiin.

Si kooban, dadka la nool xaaladan waxay caalamka bannaanka tusaan inay yihiin dad heysta nolol farxad leh oo firfircooni ku dheehan tahay hase ahaatee waxay gudaha ka dareemayaan quus iyo murug, waxayna u nugul yihiin inay naftooda isdhaafiyaan.

Waxaa jira astaamo lagu aqoonsan karo dadka nuucaan ah, waxaa kamid ah cunto badan, culeys ay ka dareemaan garbaha iyo lugaha  iyagoo si fudud u dhibsada dhaleeceynta ama diidmada lagu sameeyo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan