Home / Macluumaad / Vietnam oo tarxiishay nin u ek madaxweynaha Waqooyi Kuuriya

Vietnam oo tarxiishay nin u ek madaxweynaha Waqooyi Kuuriya

Himilo FM –Xukuumadda Vietnam ayaa dalkeeda ka ceyrisay nin iska dhiga madaxweynaha Waqooyi Kuuriya kahor inta uusan dalkaasi marti gelin hoggaamiyayaasha Mareykanka iyo Waqooyi Kuuriya Donald Trump iyo Kim Jong-un.

Ninka deggan Hong Kong oo lagu magacaabo Howard X ayaa toddobaadkii tagay jiliin la sameeyay nin kale oo matala madaxweynaha Mareykanka Russell White.

Booliiska Vietnam ayaa xeray labada nin iyagoo su’aalo weydiiyay, waxaana laga codsaday inay joojiyaan jiliinka siyaasadeed oo ay sameynayaan.

Howard X ayaa sheegay in saraakiisha Vietnam ku wargeliyeen in dal-ku-galkiisa uu dhacsan yahay isagoo aan la siin tafaasiil dheeraad ah.

“ Waxay ka baqayaan labo qofood oo u ek,” Howard oo xeran okiyaalo madow ayaa u sheegay warbaahinta.

Labada nin ee u kala ek madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyi Kuuriya ayaa shir madaxeed jiliin ah ku yeeshay magaalada Hanoi iyagoo saxaafadda u sheegay inay meesha ka saarayaan himiloyooyinka Waqooyi Kuuriya ee hubka nukleerka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan