Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay si arxan darro ah uga aarsatay ninkeeda oo jeclaaday gabar yar

Haweenay si arxan darro ah uga aarsatay ninkeeda oo jeclaaday gabar yar

Himilo FM –Haweenay ka soo jeeda Shiinaha ayaa si bahdilnimo ah uga aarsatay ninkeeda iyo haweenay u jeclaa kaddib markay ku xertay geed ku yaalla meel bannaan ah iyaga oo qaawan.

Sida uu ku soo waramayo wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska, haweenayda oo dareentay in ninkeedu ku sameeyay khiyaano ayaa kaashatay qaraabadeeda si loo fuliyo howlgalka aargoosiga ah oo ka dhacay gobalka Guizho.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujiyay tiro dad ah oo ku xoomay ninka iyo gabadha uu jeclaa oo u muuqatay inay ka yareyd da’ ahaan, waxaana la arkayay dad badan oo ku qoslaya.

Maamulka qaabilsan amniga ee gobalka ayaa xaqiijiyay dhacdada qabsatay ninka iyo gabadha ee xarigga lagula xeray geedka hase ahaatee ma aysan shaacin inay ku daba joogaan haweenayda falka ku lug yeelatay iyo inkale.

Dad badan ayaa faallooyin ka bixiyay dhacdada. Inta taageertay haweenayda falka sameysay waxay tilmaameen in gabadha la khiyaanay islamarkaana sidaasi u sameysay falka halka inta ka soo horjeesatay sheegeen in booliisku lahaa shaqadaasi.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan