Home / Cayaaro / Madaxa horyaalka La Liga oo hoos u dhigay ku biiristiisa Premier League
Mandatory Credit: Photo by RODRIGO JIMENENZ/EPA-EFE/REX/Shutterstock (9140156i) Javier Tebas World Football Summit (WFS) in Madrid, Spain - 17 Oct 2017 Javier Tebas, president of La Liga, the Spanish National Professional Football League, speaks on the second day of the World Football Summit (WFS) in Madrid, Spain, 17 October 2017. The World's biggest soccer industry congress runs from 16 to 17 October 2017.

Madaxa horyaalka La Liga oo hoos u dhigay ku biiristiisa Premier League

Himilo FM –Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in uu ka tagi karo booskiisa shaqo ee La Liga  si uu ugu biiro Premier League.

Wargeyska The Times ayaa Isbuucii la soo dhaafay waxa uu sheegay in hoggaamiyaha Isbaanishka uu yahay shaqsi u sharraxan inuu beddelo Richard Scudamore oo ah madaxa fulinta Premier League.

“Wanaageyga halkan Spain ayuu yaallaa, mana doonayo in aan ka hadlo wax kale,” ayuu Tebas ku sheegay wareysi uu siiyay Diario AS.

La Liga ayaa soo saartay hadal ay ku sheegeyso in xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Tebas uu yahay mid wanaagsan waxayna beeniyeen inay macquul tahay in uu ka dhaqaaqo shaqadan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan