Home / Dhaqaale / Turkiga oo shaqo abuur u sameynaya 2.5 Milyan oo qofood

Turkiga oo shaqo abuur u sameynaya 2.5 Milyan oo qofood

Himilo FM –Iyadoo xal loo raadinayo shaqo la’aanta Turkiga, waxay xukuumadda Ankara qaaday barnaamijyo lagula tacaalayo dhibaatada oo la dhaqan geliyay sannadkii 2017.

Barnaamijyadda oo ka kooban dhowr qeybood islamarkaana uu ku baaqay madaxweyne Ordogan ayaa hadda u muuqda inay wax ka badaleen heerka shaqo la’aanta dalkaasi.

Sannadkii 2017-kii oo ah markii lagu dhawaaqay qeybtii ugu horreysay ee barnaamijka waxaa suura gashay in shaqo loo abuuro 1.5 Milyan oo qofood muddo 10 billood gudaheed iyadoo la kaashanayo ganacsatada dalka.

Hay’adda shaqaaleysiinta Turkiga ee İŞKUR ayaa shaacisay in la shaqaaleysiiyay 1.1 Milyan oo qofood intii lagu guda jiray Janaayo illaa November ee sannadkii hore.

Shir kulmiyay wasiirka maaliyadda Turkiga Berat Albayrak iyo rugta ganacsiga dalkaasi ayaa looga hadlay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa sannadkan ku dhawaad 2.5 Milyan oo qofood.

Sida ku cad tirakoobyada Turkiga, shaqo la’aanta dalkaasi waxaa lagu qiyaasay 12.3% bishii November ee sannadkii hore.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan