Home / Cayaaro / Harry Kane oo laga yaabo inuu seego kulamada Arsenal iyo Liverpool

Harry Kane oo laga yaabo inuu seego kulamada Arsenal iyo Liverpool

Himilo FM – Harry Kane ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka Tottenham ay la ciyaarayaan Arsenal Sabtida kaddib markii uu fal aan fiicnayn kula kacay Cesar Azpilicueta kulankii ay guuldarrada ka soo gaartay Chelsea habeenkii arbacada.

Dhacdadan ayaa u muuqatay in uu kaga baxayo kulankii Stamford Bridge lkn uusan arag sarkaalkii kulankan , waana in garsoore Andre Marriner uu faallo ka bixiyo kuna daro xogta uu ka gudbinayo ciyaartan uuna xusaa in uusan arag in madaxa uu ku riixay, waxaana laga yaabaa in tallaabo laga qaado weeraryahanka Spurs.

Haddii lagu helo dambiga, Kane waxa uu heli doonaa ganaax seddex kulan ah falka uu  geystay oo ah dhaqan xummo.

“Harry Kane ayaa nasiib ku yeeshay in aan la siin casaan oo aan laga saarin kulanka  arbacadii” ayuu garsoorihii hore ee  Premier League Mark Clattenburg u sheegay Daily Mail.

Pedro ayaa Chelsea hoggaanka u dhiibay daqiiqadii 57aad ka hor inta uusan Spurs laacibkeeda  Kieran Trippier uu gool iska dhalin  6 daqiiqo ciyaarta oo ka dhiman.

Spurs ayaa  wali ku jirta kaalinta seddexaad kaddib guuldarradii ka soo gaartay Chelsea laakiin Arsenal ayaa haatan afar dhibcood ka danbeysa kooxda ay ku xafiiltamaan waqooyiga London.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan