Home / Cayaaro / Man United oo raadineysa laacib ay aad u doonayso Arsenal

Man United oo raadineysa laacib ay aad u doonayso Arsenal

Himilo FM –Manchester United ayaa ku darsatay saxiixa daafaca dambeedka middig ee kooxda Crystal Palace Aaron Wan-Bissaka  liiska xagaaga, sida laga soo xigtay warbixinno.

Red Devils ayaa durbadiiba qorsheyneysa inay mashquul ku noqoto suuqa xilli ciyaareedka marka uu idlaado , inkastoo ay jirto xaalad hubaal la’aan ah oo ku aadan cidda hoggaamin doonta.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa jecel  inuu gacanta ku dhigo shaqada Tababarnimo ee rasmiga ah kooxda kaddib markii uu ku qaatay haatan  waqti Fiican inta lagu guda jiro howshiisa kumeel gaarnimada, halka Mauricio Pochettino iyo Zinedine Zidane ay sidoo kale noqon karaan doorasho kale.

Wargeyska TalkSPORT ayaa soo jeedinaya in Wan-Bissaka uu ka mid yahay kuwa la beegsanayo, inkastoo United ay tartan kala kulmeyso kooxaha  ay ku xafiiltamaan Premier League ee Arsenal iyo Manchester City.

Wan-Bissaka ayaa iska dhigay mid ka mid ah mustaqbalka daafacyada Yurub ee ugu fiican kaddib markii uu ku soo jiitay bandhigiisa Selhurst Park xilli ciyaareedkan isagoo lagu qiimeynayo 40 milyan oo ginni.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic iyo daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly ay weli bartilmaameed u yihiin United.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan