Home / Cayaaro / Guardiola oo sheegay in uusan hubin mustaqbalka Ilkay Gundogan

Guardiola oo sheegay in uusan hubin mustaqbalka Ilkay Gundogan

Himilo FM – Tababaraha Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxda Manchester City ay weli isku dayayso qancinta Ilkay Gundogan si uu qandaraas cusub ugu saxiixo kooxda.

Gundogan ayaa dhaawacyo soo gaaray ku qaatay garoonka Etihad Stadium laakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Germany ayaa kusoo billowday 65 kulan 33 kulan waxa uu kusoo billowday kurisga keydka tartamada oo dhan tan iyo billowgii xilli ciyaareedka 2016-17.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa daaha ka rogay in 28 jirkan uusan wali go’aan ka gaarin sii joogista iyo u hibeynta  mustaqbalkiisa  kooxda Waqooyiga-Galbeedka.

The Independent ayaa Guardiola ka soo xigtay isaga oo yiri: “Waxaan qabaa in Gundogan xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay uusan ciyaari karin maxaa yeelay dhaawacyo xooggan ayaa soo gaaray, lix ama toddoba billood waa uu maqnaa, laakiin had iyo jeer wuxuu awoodaa inuu ciyaaro kulamo badan waa ciyaaryahan cajiib ah.”

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan