Home / Cayaaro / Real Madrid oo dalab u dirtay Luka Jovic

Real Madrid oo dalab u dirtay Luka Jovic

Himilo FM – Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u dirtay Luka Jovic si ay u soo iibsadaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Weeraryahanka Benfica ayaa haatan ammaah ku jooga Eintracht Frankfurt kaasi oo la filayo in uu heshiis si rasmi ah kula joogo xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca, Jovic ayaa u muuqda mid ayna u badneyn in uu matalo Frankfurt xilli ciyaareedka soo socda iyadoo ciyaaryahanka ay Real u soo bandhigtay dalab ay ku geynayaan magaalada Madrid.

Kooxda reer Spain waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub oo xiiseynaya ciyaaryahanka reer Serbia kaasi oo horey u dhaliyay 21 gool iyo lix caawin oo katirsan horyaalka Bundesliga iyo Europa League inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa si aad ah loola xiriirinayay 21 jirkan laakiin waxay u muuqataa in kooxda ay xafiiltamaan ee Real ay tartan u galeyso saxiixa ciyaaryahanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan