Home / Deegaan / Tuugo xaday geedo ku fadhiya 118 kun doolar!

Tuugo xaday geedo ku fadhiya 118 kun doolar!

Himilo FM – Koox xirfadlayaal tuugo  ah ayay u suura gashay inay xadaan 7 geed oo ah nuuca yaryar oo ku fadhiya qiimo dhan 118 kun oo doolar sida ay qoreen inta badan warbaahinta caalamka.

Waxa uu falka xatooyada ah gaaray geed taariikh fog leh oo ku kacaya qiimo dhan 10 Milyan oo lacagta Jabaan ah islamarkaana u dhiganta 90 kun oo doolar sida  Fayowmi Emor u sheegtay wargeyska Washington Post.

“ Waxaan geedaha yaryar ula dhaqanaa sida carruurteenna oo kale, majiraan erayo aan ku tilmaami karo dareenkeyga, waxay lamid tahay iyadoo qeyb jirkeyga kamid ah layga saaray,” ayay tiri Emor.

Ms Emor ayaa ka codsatay tuugada qaatay geedaha inay ilaaliyaan oo aysan dhigin biyo la’aan iyadoo xustay in geedaha la xaday dhowr habeen oo bishii hore ah.

Waxay intaa raacisay haweenayda in tuugada ahaayeen xirfadlayaal yaqaana sida loo qaato geedaha iyaga oo ka xushay geedaha ugu qaalisan beerta qoyska oo laga heli karo 3000 oo geed.

Qoyska laga qaatay geedaha ayaa ku caan ah beerashada geedaha kala duwan, waxaana la aamisan yahay in qoyska uu ku guda jiray howshan muddo ku simman 400 sanno.

Khubarada ayaa rumeysan in tuugada ka macaashi doonaan geedaha iyaga oo ku iibinaya suuqa madow ee dalalka Yurub ama Mareykanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan