Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Deegaan / 3-da Maarso – Maalinta Caalamiga ee Duurjoogta

3-da Maarso – Maalinta Caalamiga ee Duurjoogta

Himilo FM – 3-da bisha March sannad kasta waa maalin ama fursad loogu dabaal-dego noolaha kala duwan ee duurka ku nool si kor loogu qaado wacyiga dadka ku howlan daryeelkooda iyo kuwa moogan.

Isla markaasna, maalintani waxay na xusuusinaysaa baahida degdegga ah ee loogu istaagi karo dagaalka ka dhanka ah danbiyada laga galo duurjoogta taas oo dhibaatooyin dhaqan-dhaqaaleed, deegaaneed iyo bulshaba abuuraya.

Duur-joogtu waxay ahmiyad u leeyihiin deegaanka; marna waa dhaxal u baahan keliya daryeel iyo dhowraarin. Sababahaas awgeed, xubnaha ku jira QM, ururrada aan dowliga aheyn, bulshada rayidka iyo qeybaha kale ee mujtamaca waxaa lagu casuumaa inay ilaaliyaan; kana qeyb noqdaan dabaal-degga caalamiga ah ee duurjoogta.

Hal-ku-dhegga sanadkan 2019 ee Maalinta Caalamiga ah ee Duurjoogta ayaa ah: Nolosha ka hooseysa biyaha ee Dadka iyo dhulka.

In kasta oo badi dalal badan ay cod u yihiin daryeelka iyo xanaanada duurjoogtooda, Soomaaliya duurjoogteeda muddaba mahelin cod iyo cid u istaagta daryeelkooda.

Xilligii dowladda Siyaad Barre, waxaa jiray wasaarad leh wakaalado kala duwan oo u xil saaran ilaalinta iyo daryeelka duur-joogta. Waxay lahaayeen ciidan goonni ah oo qaabilsan la socoshadooda kuwaas oo xittaa ka ilaalin jiray inay ka tallaabaan xadka dalku la wadaago dalalka jaarka ah.

Waxay sidoo kale iska xil saari jireen wax-yeelo kaga timaada dadka muwaadiniinta ah ee la nool iyo inay dhibaatooyin dhexooda ah isgaarsiiyaan.

Waxaa intaas dheereyd, si loo xoojiyo fahamka; loona bogaadiyo is-dhexgal waaya’aragnimo leh oo ka dhex beerma duurjoogta iyo dadka, waxaa jiray xarumo lagu xanaaneeyo oo ku yiillay magaalooyinka waaweyn ee dalka. Carwada Taleex ayaa laga xusi karaa goobahaas. Tani sidoo kale waxay ahayd ilo dhaqaale oo dakhli dalxiisayaasha dibadda kasoo galo dowladda dhexe.

Maanta intaas oo dhami waxay ka baxeen daaqadda. Mana jirto xog iyo macluumaad ku saabsan noloshooda oo laga hayo. Halka wasaaradihii ku howlanaan jiray ilaalinta duurjoogta aysan kaalintooda muuqan. Dowladaha dhismayana uma muuqdaan kuwo mudnaan siinaya ilaalinta deegaanka iyo duur-joogta. Waxa keliya ee marmar la maqlo ayaa ah in la cambaareeyo kuwa sida foosha xun dhibta ugu haya deegaanka.

Helidda siyaasad adag oo ku aadan micno kasta oo lagu ilaalin karo noolaha deegaanka oo dhan, waa xalka sida halhaleelka ah loogu baahan yahay oo dowladda dhexe  ay habboon tahay inay ku darsato qorshaheeda siyaasadeed.

Siinta jawaab fal-celin u noqon karta ugu yaraan in deegaanku dib usoo kabsado, waxay nagu caawin kartaa inaynan dhaxalkeenna ku lumin howl la’aan iyo qorshe xumi maadaama in ku dhaw 25 sanadood oo ay ku jireen daabul iyo dagaal loo galay dabargoyntooda ay ku le’deen.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan