Home / Cayaaro / 3 xiddig oo ay Liverpool waajib ku tahay inay iibiyaan fasalka danbe

3 xiddig oo ay Liverpool waajib ku tahay inay iibiyaan fasalka danbe

Himilo FM –Kooxda Liverpool ayaa ku dhibtootay kulamadii  ugu danbeeyay, waxayna ku guuldareysteen in ay gool dhaliyaan laba ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay oo ay wajaheen kooxaha Man Utd iyo Bayern.

Kooxda tababare Klopp ayaa tartan adag kula jirto Man City hanashada loogu jiro Premier League.

Seddexda weeraryahan ee kooxda waa kuwa ugu badan ee kusoo billowda safka koowaad ee naadiga, macallinka Reds ayaan heysan qorshe  labaad.

Xiddigo badan oo kursiga keydka kooxda ayaan muujin wixii looga baahnaa taasi oo ku tusineysa inay macquul tahay in kuwa iyaga kamid ah laga diro naadiga.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineyn seddex xiddig oo ay macquul tahay inay Liverpool ka dhaqaaqaan fasalka danbe:

1- Adam Lallana

Markii uu tababare Brendan Rodgers kusoo iibsaday €31 million xiddigan u dhashay seddexda libaax waxa uu noqday mid kamid ah laacibiintii ugu qaalisanaa ee Liverpool soo iibsato, isaga oo seddexdiisa sanno ee ugu horreysay qeyb ka ahaa furayaasha kooxda.

Laacibkii hore ee Southampton ma uusan sameynin caawin iyo dhalin wakhti dhow oo kooxda ah, wuxuuna ka danbeeyaa Xhaqiri oo isagu keyd ugu jira Maxamed Salax.

30-jirkaan ayaa laga yaabaa in uu isaga hayaamo kooxda sannadka soo aadan.

2- Daniel Sturridge

Sturridge waxa uu sannadkii 2013-kii uu ahaa mid kamid ah xiddigaha ugu wanaagsan qaranka Ingiriiska isaga oo weerarka qeyb kala ahaa laacibkii hore ee Liverpool Suarez, waxa uuna xiddigan uu xilligaasi muujiyay sida uu xiddig u ahaa balse hadda waa boos aanan soo muuqan.

29 jirkan ayaa helay dhacdo dahabi ah xilli ciyaareedkan kaddib markii uu dhaliyay seddex gool afar kulan oo uu la ciyaaray kooxo waaweyn sida PSG iyo Chelsea.

Hadda waa mid ku wanaagsan kursiga keydka kooxda oo waxa uu keyd ugu jiraa Firminho oo aan gool dhalin kulamadii ugu danbeyay. Laacibkan ayaa Reds ka dhaqaaqi doona fasalka danbe.

3- Joel Matip

Joel Matip ayaa qeyb la mahdin karo ka ciyaaray sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii kooxda Klopp uu ka saaciday inay gaarto finalka Champions league.

Xiddigan u dhashay dalka Cameroon ayaa ah nin nasiib badan marka loo eego qaar kamid ah ciyaaraha Liverpool uu kusoo billowdo  maadaama uu dhaawac ku maqan yahay Joe Gomes,.

Warbixino kala duwan oo soo baxayay ayaa sheegaya in kooxda ay iibin doonto wakhtiyada soo aadan waxaana 27jirkan oo si bilaash ku yimid Reds uu go’asan doonaa in mustaqbalkiisa uu u hibeeyo naadi kale.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan