Home / Caruurta / Maxay tahay sababta cunug yar oo dhashay loogu bixiyay “cunuggii madaxa adkaa”

Maxay tahay sababta cunug yar oo dhashay loogu bixiyay “cunuggii madaxa adkaa”

Himilo FM –Sawir laga soo qaaday cunug ku dhashay isbitaal ku yaalla Vietnam ayaa qabsaday baraha bulshada iyadoo sawirka uu muujinayo cunugga yar oo ku dheggan dhaqtar ilbiriqsiyo kaddib markii uu ku soo biiray dunida.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mirror, isbitaalka Fongi Show ayaa baahiyay sawirka oo la qaaday waxyar kaddib markii uu dhashay cunugga.

Waxa uu sawirka soo jiitay dad badan oo si weyn uga falceliyay. Dadka dhiibtay faallooyinka waxay tilmaameen in dhaqanka cunugga oo u muuqda mid diidaya inuu sii daayo dhaqtarka yahay mid lala yaabo.

Dhaqtarka ayaa u diyaar garoobayay inuu ka tago hoolka dhalmada laakiin waxa uu la kulmay cunugga yar ee dhashay oo ku dheggan.

Lagama bixin tafaasiil dheeraad ah cunugga yar iyadoo la ilaalinayo xuquuqdiisa gaarka ah hase ahaatee dadka qaar ayaa ula baxay naaneesyo sida cunuggii awooda badnaa iyo cunuggii madaxa adkaa.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan