Home / Cayaaro / Thomas Tuchel “Mbappe marnaba lalama barbardhigo karo Messi.”

Thomas Tuchel “Mbappe marnaba lalama barbardhigo karo Messi.”

Himilo FM –Hoggaamiyaha Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaa bixiyay is barbardhig uu ku sameynayo ku guuleystaha koobka adduunka Kylian Mbappe iyo laacibka Barcelona ee Lionel Messi isaga oo sheegay in xiddiga reer France aan lala barbar dhigi karin Messi.

Hase ahaatee waxa uu ka dhawaajiyay in uu ku socdo wadadii uu ku noqon lahaa mid kamid ah gool-dhaliyayaasha u sarreeya dunida.

Kaddib markii uu ka hayaamay Monoco, Mbappe ayaa u dhaqaaqay kooxda horyaalnimmada Ligue 1 ee PSG bishii August ee 2017-kii tan iyo markaasi barbaarkan waxa uu si joogta ah uga soo muuqanayay safka joogtada ah ee tababare Tuchel.

Ninka reer France ayaa gaaray 50 gool dhammaan tartamada oo uu u ciyaaray PSG isaga oo kulankiisii ugu danbeeyay la dheelay Caen sabtidii ugu danbeysay. 20 jirkan ayaa dhaliyay 50 gool iyo 28 caawin 76 kulan oo uu kasoo muuqday hoggaamiyayaasha Ligue 1.

Xilli ciyaareedkan, Mbappe ayaa 24 gool ka dhaliyay horyaalka Ligue 1 isaga oo hal gool  ka hooseeya mucjisada Barcelona ee Messi kaasi oo LaLiga ka dhaliyay 25 gool.

Ma ahan wax lala yaabo in Messi lala barbardhigo xirfadda cajiibka ah iyo xaqiiqda uu sameeyay da’yarka Mbappe.

Si kastaba ha ahaatee Tuchel ayaa qaba in Mbappe uu yahay gooldhaliye weyn oo cajiib ah laakiin uusan gaarsiisneyn heerka Messi.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan