Home / Cayaaro / Sanchez oo aan United ka dhaqaaqi doonin dhammaadka xilli ciyaareedka

Sanchez oo aan United ka dhaqaaqi doonin dhammaadka xilli ciyaareedka

Himilo FM –Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa in uu diidi doono ka tegista kooxda Manchester United dhammaadka xilli ciyaareedkan. Sanchez ayaa United ugu biiray si xor ah bishii Janaayo 2018.

30 jirkan ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicneyd Premier League intii uu joogay Gunners, laakiin waxa uu ku dhibtooday Manchester United isagoo dhaliyay keliya shan gool 41 kulan oo uu saftay.

Sanchez oo haatan ku maqan dhaawac jilibka ah ayaa lala xiriirinayay in uu ka tagayo Old Trafford madaama kooxda ku guuleysatay 20-ka horyaal lala xiriirinayo wejiyo cusub xilli ciyaareedka 2019-2020.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay jariiradda The Express, Sanchez ayaa diyaar u ah in uu xitaa keydka fariisto si uu  toddobaadkii mushaar ahaan United uga qaato £ 500,000 iyadoo ciyaaryahanka reer Chile uusan qorsheyneynin in uu kooxda ka tago xagaaga suuqa kala iibsiga.

Weeraryahanka ayaa keliya hal gool dhaliyay 17 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan