Home / Arrimaha Bulshada / Bilyaneerka Thailand ee Arnon oo ka baxay ballan ku saabsan guurka gabadhiisa!

Bilyaneerka Thailand ee Arnon oo ka baxay ballan ku saabsan guurka gabadhiisa!

Himilo FM –Arnon Rodthong oo ah bilyaneer u dhashay Thailand ayaa ka baxay ballan qaad uu sameeyay oo la xiriira guurka gabadhiisa Karnsita islamarkaana soo jiitay dad fara badan.

Ninka bilyaneerka ah ayaa goor sii horreysay u soo bandhigay gabadhiisa nin kasta oo doonaya inuu guursado iyadoo uu siinayo lacag dhan 300 kun oo doolar sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Waxaa intaa dheer in hantida qoyska lagu qorayo magaca ninka nasiibka leh ee loo xusho guurka gabadha 26 jirka ah.

Bilyaneerka oo da’diisu tahay 58 jir ayaa leh beer weyn oo horumarsan oo ku kacaysa qiimo dhan malaayiin doolar oo ku taalla koonfurta Thailand.

Wargeyska Mirror ayaa qoray in 10 kun oo rag ah inay soo codsadeen guurka gabadha uu dhalay bilyaneerka iyadoo gabadha ka xulatay midka ugu quruxda badan.

Gabadha ayaa dooratay wiil 28 jir ah oo ku tilmaaman joog iyo qurux kaasi oo dalbaday in la eego codsigiisa.

Ms Karnsita ayaa sheegtay in wiilka dooqeeda uu yahay mid naxariis badan laakiin waxay xustay in aabaheed uu u diiday sabab la xiriirta quruxdiisa isaga oo u baqaya inay dhaawac kala kulanto.

Mr Arnon ayaa ka baxay ballantii uu galay hase ahaatee waxa uu xaqiijiyay in markasta wiilka guursanaya gabadhiisa uu siinayo lacagta shaki la’aan.

Ms Karnsita ayaa ka caawisa aabaheed maamulka ganacsiga qoyska, waxay si wanaagsan ugu hadashaa luqadaha Shiinaha iyo Ingiriisiga.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan