Home / Macluumaad / Maqaal- Maxaa nagala dhaxeeya Falasdiin?

Maqaal- Maxaa nagala dhaxeeya Falasdiin?

Himilo FM –Inkastoo caalamka maanta uu noqday hal magaalo oo ku dhisan xiriirka baraha bulshada islamarkaana sahlan tahay helidda buugaagta taariiqda ee ka hadlaya asalka ummadaha ayaa wakhtigii danbe waxaa soo if baxayay koox Soomaalida ka mid ah oo si la yaab leh isku weydiiya waxa ka dhexeeya Soomaaliya iyo Falasdiin iyo sababta Soomaalida ugu qasban yihiin u hiilinta walaalaha Falasdiin.

Kooxdaasi waxaa ka horreysay koox kale oo isku dayda marwalba inay shucaac ku furto carabnimada ummada Soomaaliyeed iyagoo bulshada hordhiga su’aalo loo diyaariyay shaki gelin islamarkaana lagu barbaarinayo jiilalka la kowsaday dhacdooyinkii carabeynta Soomaalida.

Maqaalkan waxaan ugu tala galay inaan iskula fahamno waxa naga dhigaya Falasdiin inay na khuseyso si ku saleysan taxliilin ku tiirsan diinta, caqliga iyo dhaqanka ummada Soomaaliyeed. 

Wax dhib ah kuma jiro dadka qaar inay isweydiiyaan xaqiiqada xiriirka Soomaaliya iyo Falasdiin iyo waxa uu ku saleysan yahay si ay ugu caddaato micnaha xiriirka laakiin tan aan la rabin ee taagan booska cambaareynta ayaa ah in dadka qaar ay su’aalahan u soo bandhigaan qaab ay rabaan in looga saaro Soomaaliya micnaha xiriirka walaaltinimo ee nagala dhexeeya Falasdiin.

Si aan u caddeyno xiriirka nagala dhexeeya Falasdiin , waxaa qasab ah inaan ku baraarugsanaano in qadiyadda ka kooban tahay labo dhinac oo marka qadiyadda laga sheekeynayo qasab tahay in aan la kala reebin.

Labadaas waa Falasdiin iyo Yahuuda oo si kale aan u dhihi karno dadkii la dulmiyay ee reer Falasdiin iyo gumeysiga Yahuuda , dhinaca kale qadiyaddan markii aan leenahay waxaan ula jeednaa dhibaatada shacabka Falasdiin ku jiraan ee taariiq ahaan iyo xilligan.

Maxay yihiin sababaha Soomaalida ka dhigaya kuwa ay khuseyso arrinta Falasdiin?

1) Dabeecadda dhulka iyo booska diiniga ah

Dhulka Falasdiin waxaa ku yaalla masjidka Qudus oo uu Alle barakeeyay. Masjidkaasi ayaa ah qibladii ugu horreysay ee labada qiblad ee  Muslimiinta, waana goobtii loo dheelmiyay nabi Muxamed N.N.K.H iyo goobtii samada uu uga duulay dhacdadii Israa iyo Micraaj. Isla dhulkaasi iyo masjidka waxa uu nabi Muxamed uu ku daray seddexda masaajid ee loo bixi karo oo halkii salaad oo lagu tukto Masjid Al-aqsaa (Qudus ) waxaa ajarkeed uu la mid yahay 500 oo salaadood.  

Ka Soomaali ahaan waxaa nahay ummad Islaam ah, taasi waxay ka dhigeysaa arrinta Falasdiin mid na khuseyso maxaa yeelay waxaa ku yaallo dhulkaasi iyo masaajidka Al-aqsaa oo nabiga uu noo sheegay salaad lagu dhex tukto in ajar badan laga helayo.

2) Cadowga iyo sheegashadiisa dhulka Falasdiin            

Cadowga Yahuuda waa mid ku sifoobay kibir, xadgudub, dhul ballaarsi iyo quraafaadyo taariikhi ah oo ay aaminsan yihiin islamarkaana ku faafiyaan caalamka oo dhan.

Markii aan ka hadalno sheegashadooda taariikhiga ee dhulka , inta badan waxay dadka qaar isku khaldaan labada arrin ee kala ah in Yahuuda ay daganeyd wakhti wakhtiyada ka mid ah dhulka Falasdiin sida ummadaha kale ee carbeed u daganaayeen iyo arrinta ah islaheysiinta iyo sheegashada diiniga ah taasi oo ay ku xalaalsadeen dhulkii iyagoo gaaray heer ay dhulka ka barakiciyaan malaayiin reer Falasdiin ah , awood sheegashadaasi waxay naga dhigeysaa innagana in aan dib u millicsano diinta iyo taariikhda si aan u soo oggaano xaqiiqada sheegashadooda .

Diin ahaan, waxay dhahaan dhulkan waa dhulkii Alle uu reer Israel ku dhahay gala dhulka barakeysan, lama diidano hadaladaasi in Qur’aanka laga dhex helayo waana sax hase yeeshee qur’aanka waxa uu la hadlayay xilligaasi ummad rumeysay nabigoodii , raacsaneydna shareecadii Alle uu raaliga ka ahaa.

Ummadaasi markii ay ka tageen islamarkaana gacan biddixeeyeen diinta xaqa aheyd ee nabiyadooda , waxaa soo baxay ummad sii wado risaaladii nabiyada oo si toos ah u noqday kuwii dhaxlay shareecadii Alle, taasi waxay ummada Muslimka ka dhigeysaa dhulka Falasdiin inay iyaga leeyihiin maadaama ay noqdeen kuwa sii watay shareecadii Alle dartiisa dhulkaasi uu ku siiyay addoomadiisa rumeysnaa.

Taariiq ahaan sheegashadooda dhulka waxaa la hubaa in dhulka Falasdiin ay xukumaayeen 4 qarni, waana wakhti yar markii loo fiiriyo inta sanno oo ay Muslimiinta xukumayeen dhulka oo dhan 12 qarni. Xukunkoodii kaddib way iskaga tageen dhulkii, waxayna ka maqnaayeen muddo 18 qarni ah oo xiriir ah halka dadkii asalka ahaa ay daganaayeen oo ay ku dhex adkeysanaayeen.

Dhinaca kale 80% Yahuuda wakhtigan nool sida ay wariyaan qorayaasha taariikhda ee Yahuuda oo uu ugu horreeyo Arthar Koostler ma ahan dad u nasab sheegto Isreal ama Falasdiin ,Yahuuda wakhtigan jirto waa kuwa lagu magacaabo Qazar oo u nasab sheegta dhulka Qowqaaz ee koonfurta Ruushka.

3- Isgaashaan buursiga ka dhexeeya cadowga Yahuuda iyo reer galbeedka 

Isgaashaan buursiga ka dhexeeyo cadowga Yahuuda iyo reer galbeedka waa mid ka yimid markii ay dhacday dowladii Cuthmaaniyiinta ee Islaamiga aheyd. Reer galbeedka waxay ku fekereen inay ka hor istaagaan ummada Muslimka ah inay helaan dowlad weyn oo u buuxisa booskii Cuthmaaniyiinta, waxayna qorsheeyeen iyagoo ka faa’ideysanaya qaxootiga Yahuuda inay dejiyaan bartamaha wadamada Muslimiinta si dowladan cusub ee qoxootiga la soo aruuriyay asaaska u ah u noqoto mid dhul ahaan u kala jareysa wadamadii Muslimka ahaa.

Kaddib reer galbeedka waxay koriyeen qaab Yahuuda ku noqon karto dowladda keliya ee gobalka Muslimka ah ku taallo oo haddana ugu awoodda badan taasi oo lagu xaqiijin karo diciifinta lagu sameeyo dowladaha kale ee ku hareereysan. Isgaashaan buursigaasi wuxuu si toos ah nooga dhigaa Soomaali ahaan inaan ku jirno ummadihii la qorsheeyay inay waligood daciif ahaadaan.  Sidaas darteed, dhibka na gaaray iyo dhibaatooyinka naloo maleegayaba waxaa asaas iyo saldhigba u ah jiritaanka dowladan lagu abuuray mandiqadda.

Ugu danbeyn, suurta gal ma ahan in Soomaaliya iska madax banaaneyso mas’uuliyadda diiniga iyo midda bini’aadanimo ee ka saaran dhulkaasi iyo ehelkiisa. Ma ahan oo keliya in aan ugu daneynayno walaalaha Falasdiin ee dan weyn ayaa noogu jirto in aan kamid noqono gulufka iska caabinta Yahuuda ee ka socdo gobalka.

W/Q: Abdinasir Shide           

Saxafi, qoraa iyo fallanqeeye arrimaha Carabta iyo Islaamka

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan