Home / Cayaaro / Dhaawaca Dembele oo qaadanaya afar toddobaad

Dhaawaca Dembele oo qaadanaya afar toddobaad

Himilo FM –Barcelona ayaa xaqiijisay Khamiista maanta ah  in Ousmane Dembele uu seegi doono seddex illaa iyo afar isbuuc kaddib markii dhaawac uu ka soo gaaray kulankii Lyon.

“Ousmane Dembélé ayaa baaritaano ay ku sameeyeen waaxda caafimaadka kooxda Barcelona subaxnimadii maanta, waxaa la xaqiijiyay in uu  muruqa lugtiisa biddix ka dhaawacmay, tani waxay ka dhigan tahay inuu la maqnaandoono seddex ama afar toddobaad. “

Weeraryahanka reer France ayaa shaki ku jiray  ka hor kulankan, waxaana uu ku soo billowday kulankaas keydka. Waxa uu yimid qeybtii danbe ee ciyaarta, waxaana uu dhaliyay  goolkii shanaad.

Warkan  ayaa la micno ah inuu seegi doono  seddexda kulan ee La Liga ee ay Barcelona la ciyaarayaan Real Betis, Espanyol iyo Villarreal laakiin waxaa laga yaabaa inuu ku laabto safka kooxda booqashada Atletico Madrid ee  6-da bisha April.

Barcelona ayaa sidoo kale rajeyneysa inuu dib ugu soo laabto lugta hore ee wareega 8-da Champions League ee la qorsheynayo  9/10-ka bisha April.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan