Home / Cayaaro / Barcelona oo dib u soo celisay xiisaha Antoine Griezman

Barcelona oo dib u soo celisay xiisaha Antoine Griezman

Himilo FM –Barcelona ayaa qarka u saaran inay soo nooleyso xiisaha ay u qabto weeraryahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa xagaagii lasoo dhaafay waxa uu diiradsa u saarnaa kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou ka hor inta uusan heshiis cusub u saxiixin Atletico.

Hase yeeshee, markii la oggaaday arrinkaasi waxaa hoos u dhacay xiisihii loo hayay laacibkan, inkastoo wargeyska Faransiiska L’Equipe uu sheegay in rajada Barca ay tahay inay la soo wareegto Griezmann.

Guuldarradii Atletico ee ka soo gaartay Juventus wareegga 16-ka Champions League ayaa la sheegay in 27 sanno jirkan uu shaki soo galay mustaqbalkiisa isagoo ka fiirsanaya halkii u fiicnaan laheyd in uu u dhaqaaqo si uu ugu guuleysto riyadiisa ah in uu mar uun hanto Champions League.

Griezmann ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 102 milyan oo ginni oo ka bilaabanaysa bisha June –Barcelona ayaa raadineysa weeraryahan tayo sare leh oo ay beddel ugu dhigaan Luis Suarez.

Xiddigii hore Real Sociedad ee Griezmann ayaa dhaliyay 91 gool oo horyaalka ah inta lagu guda jiro shan sano oo uu ku sugnaa Spain.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan