Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caruurta / Argentina: 5 jir ku lumay saxaro oo dib loo helay

Argentina: 5 jir ku lumay saxaro oo dib loo helay

Himilo FM –Wiil 5 jir ah oo la soo badbaadiyay kaddib muddo 24 saacood ah oo lagu la’aa saxaro ku yaalla galbeedka Argentina ayaa laga soo saaray isbitaal.

Benjamín Sánchez ayaa la waayay maalintii Axadda ahayd xilli xubnaha qoyskiisa ku jireen safar, waxaana koox mutadawiciin ah ka soo heleen meel 21 km u jirta halkii uu ku lumay.

“ Qabow darran ayaan dareemay, si xun ayaan ugu jiiftay dhagax,” ayuu yiri wiilka 5 jirka ah ee lagu waayay saxaraha

Waxa uu intaa raaciyay in uu cunayay cows oo uu ku badbaay. Markii la soo badbaadiyay isniintii, wiilka yar oo la geeyay isbitaalka San Juan ayaa ka cabanayay oon darran.

Benjamin ayaa la helay isaga oo fadhiya geed hoostii kaddib howlgal baadi doon ah oo ay ku lug yeesheen ku dhawaad 1000 askarta booliiska ah, kuwa difaaca rayidka iyo mutwadawiciin.

“ Waxaa i ceyrsaneysay hooyo, waana ka cararayay, markii hore waan maqlayay laakiin markii danbe waan lumay, ” ayuu hadalkiisa raaciyay Benjamin.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan