Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Maalmaha Caalamiga / 21 Maarso: Maalinta Caalamiga ee Gabayga

21 Maarso: Maalinta Caalamiga ee Gabayga

Himilo FM –Dadka qaar waxay gabayga u arkaan ereyo isku dhagan iyo maaddo lagu qasbo inay ku bartaan iskuulka.

Hayeeshe, kuwa kale, waxay uga dhigan tahay mid kamid ah waddooyinka ugu waaweyn  ee lagu muujiyo shucuurta iyo dareenka  – qaab isku keeni kara dadka.

Marka iyada oo taasi maanka lagu wada hayo, sanadkiiba mar, dunidu waxay xustaa Maalinta Caalamiga ee Gabayga si loogu dabaal-dego deeqda ay kusoo biiriyeen dunida.

Maalinta Caalamiga ah ee Gabayada waxaa xuskeeda la sameeyaa sannad kasta bisha March 21-keeda kadib markii laanta QM u qaabilsan dhaqanka iyo wax-barashada ee UNESCO ay asteysay maalintan kadib heshiis ka dhacay Paris sanadkii 1999.

UNESCO ayaa soo jeedisay in gabayadu yihiin kuwa la kulmi kara doorka bulshada maadaama ay taaban karaan wacyiga iyo walaaca ka dhex jira.

Waxay intaas kusii dartay in gabayadu ay da’yarta ka caawin karto inay ku xirnaadaan tagtadii hore; una diyaar garoobaan timaado qurux badan.

Maalinta Caalamiga ee Gabayga waxaa loo xusaa si guud, hayeeshe gudaha dalka UK, dugsiyada wax-barashada waxay si lamid ah u xusaan Maalinta Gabayga Qaranka.

Maalintan waxaa loo qabtaa sidoo kale in loogu dabaal-dego dhaqamada iyo heybta kusoo maaxda miraha ka dhasha gabayada.

Marka loo eego UNESCO, dhaqan kasta oo ka jira cirifyada dunida wuxuu ku raaxaystaa gabayga – maadaama ay ku hadasho afka bani’aadnimada iyo wadaagista qiyamka insaaniga ah.

Inta lagu jiro xuska Maalintan, gabayada waa lagu hal-qabsadaa; lana aqriyaa.

Afkeenna Soomaaliga ah wuxuu kamid yahay afafka hodanka ku ah maansada – gabayguna wuxuu ku jirtaa tiirarka ugu waaweyn ee ay adeegsadaan.

Loo yaqaan ‘Dhulkii Gabayada’, dadkeennu waxay maanta oo kale kow kasoo galaan ummadaha sida weyn loogu hal-qabsado Maalinta Caalamiga ee Gabayada.

Burburka jira ee ku dhacaya deegaanka ama dadkiisa, afkeennu wuxuu qeyb ahaan eersan karaa dhibaatooyinka. Hayeeshe marka la fiiriyo baraarugga ku aadan ilaalintiisa oo sanadihii danbe soo laba kacleeyey iyo tartamada ku saabsan tixaha kala duwan ee maansooyinka ee la qabto, rajadiisu ma xuma.

Maantana waa maalin kamid ah maalmaha mudan in si weyn aan iskugu baraarijinno guulaha jira ee afkeennu ka gaaray dhinaca maansooyinka, caqabadaha ku foolnaan kara iyo waddooyinka uu marayo si uu u bad-galo.

Tani waxay naga caawin kartaa inaan go’aansanno nuuca mustaqbal ee aan la dooneyno afkeenna inuu kusoo muuqdo qarnigan dhammaadkiisa maadaama sida la odorosay kumaakun afaf ah ay tirmi doonaan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan