Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / 24 Maarso: Maalinta caalamiga ee Qaaxada

24 Maarso: Maalinta caalamiga ee Qaaxada

Himilo FM –Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxada ama TB-da, waxaa la xusaa 24 March sanad kasta si loo fududeeyo baahinta wacyiga iyo baraarugga la xiriira cudurka; iyada oo la qaadayo habab hal-beeg u noqon kara kahortagga iyo xad-u-yeelistiisa.

Xus sanadeedkan ayaa loogu dabaal-degay asteynta taariikhdeed oo ku beegan sanadkii 1882 markii dr. Robert Koch  uu ku dhawaaqay bacteriyada Mycobacterium tuberculosis ee sababta Qaaxada ama TB-da.

Taniyo muddadii uu cudurkani kasoo if-baxay bulshadeenna, waxaa jirtay aragti kala duwan oo laga qabay xaggiisa. Waxaan haddaba kuu sheegi karnaa xaqiiqooyin badan oo ku saabsan cudurkan.

Qaaxada waa cudur inta badan ku baaha hawada wasaqaysan. Hayeeshe bukaanadda u dhiban xanuunkan ee qaba cudurka HIV-ADIS-ka waa kuwa ugu nugul. Waana midda ugu weyn ee sababta geerida bukaannada qaba AIDS-ka. Rubuc malyuunta Qaaxada u dhimata sanad kasta, waxaa ay qabaan AIDS-ka. Badigood waxay ku nool yihiin Afrika.

Waxaa dhici karta inaad qabtid cudurkan oo haddana aadan ogeyn. Marka loo eego xogaha la ururiyay, in ku dhow 2.3 bilyan oo qof oo dunida ku nool ayaa qaba Qaaxada, hayeeshe in badan waxaa dhacda inaysan oggaal u laheyn. Iyada oo loo eegayo xaaladaha qaar sida latent tuberculosis,qofka la nool cudurkan waxaa laga yaabaa inuusan iska arkin calaamado halis ah balse ku jira jirkiisa.

Badi cudurkani wuxuu ka jiraa dalalka soo koraya gaar ahaan Afrikada Hodanka ah, Aasiya, Latin America iyo goballada Ruushka. Inta ugu dhow dhimasho ahaan ayaa ah 1.5 milyan oo qof inay u geeriyoodaan sannad kasta. Qaaxada waxaa la ogaaday inay aad ugu badan tahay gabaadka iyo hoyga ay ku jiraan dadka dibjirka, maxaabiista, isbitaallada, qaxootiga iyo wixii soo raaca.

In kasta oo caadiyan Qaaxadu ay saameyso sanbabada, haddana xubnaha kale ee jirka sida maskaxda iyo kilyaha ayay saameyn kartaa.

Laanta u qaabilsan caafimaadka QM ee WHO waxay sheegtay in isku darka cudurrada AIDS-ka, Duumada iyo Qaaxada ay sannad kasta u dhintaan 6 milyan oo qof. Ku dhawaad boqol iyo konton kun oo qof ayaa u dhinta Qaaxada bil walba.

Qaaxadu sanad kasta waxay kor u kaceysaa 1% gudaha qaaradda Afrika sababo la xiriira la’aanta taakuleyn iyo wacyi-gelintii loo baahnaa. Dadaallada ka jira meelaha kale ee ka baxsan qaaradda, waxay caawisay inay xakameeyaan karantiilka dadka la dhiban.

Ugu badnaan 9 milyan oo kiisas Qaaxada la xiriira ah ayaa la diiwaan-geliyay sannadkii 2004. 80% kamid ah waxaa laga calaamadeeyey 22 wadan.

Waxaa jira cunnooyin kala duwan oo loo qaato si looga kabsado xoojinta ama tamar-siinta jirka. Cunista hilib digaagta iyo ukunteeda, cagaarka iyo qudaarta kala duwan iyo dalagga nuucyadiisa kala duwan waa kuwa aas’aasiga ah ee la gudboon cunistooda bukaanka Qaaxada qaba.

Dhibta soo noq-noqota ee laga diiwan-geliyo bukaannada qaba cudurka Qaaxada ayaa la tilmaamayaa inay tahay inaysan si habboon isugu dheelli-tirin cunnada iyo dawada ama ay dawada loo qoray ku qaataan cunno aan nafaqo siin karin jirka u nuglaaday cudurka.

Si kasta oo ay tahayse, waxaa wali la isku raacsan yahay in laga bogsan karo Qaaxada haddii bukaanka loo helo karantiil –ay kow tahay nafaqeyn, baxnaano iyo sidoo kale dhameystirka muddada qoran ee dawo qaadashada.

Dhimashada ku timaada dadka la dhiban cudurkan, marka laga soo tago dadka saboolka ah ee aan heli karin wixii ay isku nafaqeyn lahaayeen, kuwa kale waa inay ugu yaraan raacaan tilmaamaha u suura-galin kara bogsimaad degdeg ah iyo caafimaad.

Halka dhaqaatiirta iyo sama-falayaasha caafimaadkana lagula talinayo inay fiiro gaar ah u yeeshan bukaannada la dhiban Qaaxada gaar ahaan kuwa aan awoodin inay jeebkooda iska maal-geliyaan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan