Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / 9 kalkaaliso oo ka shaqeeya hal isbitaal oo wada yeeshay uur wadareed!

9 kalkaaliso oo ka shaqeeya hal isbitaal oo wada yeeshay uur wadareed!

Himilo FM –Mid kamid ah isbitaalada ku yaalla dalka Mareykanka ayaa daaha ka qaaday in 9 kalkaaliso oo wakhti isku mid ah yeeshay uur inay mar dhaw dhali doonaan waliba xilliyo isu dhaw.

Isbitaalka Maine Medical Center oo dhaca magaalada Portland ayaa qoraal uu dhigay Twitter-ka ku yiri “Miyaad maqasheen dhalmada cajiibka ah ee nagu soo socota? 9 kalkaaliso ayaa uur leh, waxayna dhalayaan inta u dhaxaysa April iyo July.”

Maamulka isbitaalka ayaa shaaciyay in 9-ka kalkaaliso yihiin 10% marka la eego shaqaalaha xirfadaasi leh iyaga oo uurka wada qaaday si aan horay loo sii qorsheyn.

Dhacdadan ma noqonayso tii ugu horreysay ee laga diiwaan geliyo Mareykanka. Maamulka isbitaal ku yaalla gobalka Arizona ayaa bishii August ee sannadkii hore waxa uu qabtay shir jaraa’id oo ku saabsanaa in 16 kalkaaliso oo ka shaqeeya qeybta adeegga deg degga ah leeyihiin uur wadareed oo ay hal mar wada qaadeen.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan