Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / Machadka Cilmi-baarista Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Buug ka hadlaya Danta Guud

Machadka Cilmi-baarista Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Buug ka hadlaya Danta Guud

Himilo FM – Kulan uu soo qabanqaabiyey Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed ee ‘ISOS’ ee Jaamacadda Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay buug la magac baxay ‘Tadawuc’ ama Danta guud’ oo uu qoray Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, hadana ah Agaasimaha Mu’asasada Bariga Africa ee cilmibaarista iyo horumarinta oo xarunteedu tahay Magaalada Istanbul dalka Turkiga.

Bandhiga buugga Prof-ka oo lagu qabtay hotel Shamow waxaa ka qaybgalay Aqoonyahanno, barayaal jaamacadeed, ururada bulshada rayidka, masuuliin iyo waxgarad.

Dhiganahan waxa uu ka hadlayaa sida hawsha tadawuca ama iskaa wax-u qabso ay lafdhabar ugu tahay taabbagelinta danaha Ummadda.

Dr Cali sheikh waxa uu hore u qoray dhowr buug oo ka hadlaya arrimaha Soomaaliya, geeska Africa iyo taariikhda kanna waa dhigaal kale oo ku tusaya waxyaabaha taariikhiga ah ee umad looga tago.

Kulankan loo gaar yeelay soo bandhiga buugga danta guud waxa uu ka mid ahaa kulammada joogtada ah ee uu qabto Machadka cilmibaarista Soomaaliyeeed ee loogu talagalay inay aqoonyahanada Soomaaliyeed ku wadaagaan cilmiga iyo aqoonta, si hab nololeedka bulshada loo wanaajiyo iyadoo loo marayo cilmi-baaris.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan