Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Man United oo 90 milyan ugu dhaqaaqday Kalidou Koulibaly

Man United oo 90 milyan ugu dhaqaaqday Kalidou Koulibaly

Himilo FM – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 90 milyan oo ginni ah ku dalbatay daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly.

United ayaa la filayaa inay si aad ah u isticmaasho suuqa kala iibsiga xagaaga iyagoo doonaya inay tartan adag galaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2019-2020.

Laacibka Everton ee Idrissa Gueye ayaa dhawaan lala xiriirinayay in uu u wareegayo Old Trafford iyadoo sidoo kale xiddiga Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes uu kamid yahay dooqyada ugu wanaagsan ee laga doonayo Old Trafford.

Sida laga soo xigtay wargeyska Corriere dello Sport, United ayaa dalab 90 milyan oo ginni ah u soo bandhigtay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal dhammaadka bisha March, dalabka ayaana u muuqda mid aan hakan.

27 jirkan ayaa 200 kulan u saftay Napoli tan iyo markii uu ka yimid kooxda Genk.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan