Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Wiilka ugu buuran caalamka oo sameynaya isbadal wanaagsan!

Wiilka ugu buuran caalamka oo sameynaya isbadal wanaagsan!

Himilo FM – Wiil u dhashay Indonesia ayaa ka cabanaya buurnaanta darran iyadoo dad badan ugu yeeraan “wiilka ugu buuraan caalamka”

Arya Permana oo 13 jir ah ayaa ku guuleystay inuu dhimo miisaan badan si uu u gaaro yoolkiisa fog ee ah in uu noqdo laacib kubadda cagta ah.

Arya oo taageera kooxda Liverpool ayaa waxaa boggaadiyay asxaabtiisa iyo dad badan markii uu dhimay miisaan dhan 106 kg iyadoo culeyskiisa hadda uu yahay 85.8 kg.

Wiilkan reer Indonesia ayaa caan baxay kaddib markii warbaahinta tabisay cabashadiisa ku aadan miisaankiisa oo ku noqday caqabad ka reebaysa in uu la ciyaaro asxaabtiisa.

Tan iyo xilligaasi, Arya ayaa galay dhowr qaliin oo looga sameeyay caloosha isaga oo raacaya hab-nololeed cunto oo ay wehliso almiito joogto ah.

“Waan faraxsanahay hadda, waan ciyaari karaa, waxaan saaxiibbadeyda la socon karaa masaafo dhan 5 km,” ayuu yiri Arya.

Raqia Somantra oo ah hooyada dhashay wiilka ayaa sheegtay in Arya uu qaadan jiray cuntada 5 jeer maalin kasta.

Waxay intaa raacisay in aan hadda loo oggoleyn cunista macmacaanka iyadoo la siinayo keliya cuntada lagala dardaarmay.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan