Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya xiddig u dhashay Japan

Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya xiddig u dhashay Japan

Himilo FM –Real Madrid iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyn doonaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Japan Takefusa Kubo.

Kubo ayaa hore u matalay Barca isagoo ku biiray kooxda 2011-kii  kaddib markii uu tijaabo ku maray kooxda reer Spain.

Xiddiga weerarka ka ciyaara wuxuu ku dhawaad afar sanno ku qaatay kooxda reer Catalan laakiin kooxda ayaa markii dambe waxaa ka mamnuucday FIFA inay la saxiixato ciyaartoy da’yar, Kubo ayaa ku soo laabtay Japan si uu ugu biiro FC Tokyo.

17 jirkan ayaa toddobo jeer kasoo muuqday xilli ciyaareedkan FC Tokyo laakiin waxaa loo arkaa inuu doonayo inuu ku laabto Europe xagaagan suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca, Barca ayaa ka shaqeyneysa soo laabashadiisa, laakiin waxay wajihi doonaan tartan adag oo kaga imaanaya Madrid, kuwaasi oo horay ula xiriiray wakiilka ciyaaryahanka si uu ugu wareego Bernabeu.

Kubo – ayaa sidoo kale sheegay in uu xiiseynayo Paris Saint-Germain – wuxuu afar kulan u saftay xulka Japan 20 jirrada.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan