Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Nin naafoobay markii uu Internet isticmaalayay labo maalin

Nin naafoobay markii uu Internet isticmaalayay labo maalin

Himilo FM –42 jir ka soo jeeda Shenzen oo katirsan Shiinaha ayaa dhawaan la dhigay isbitaal iyadoo laga helay xannuunka faaliga ama Stroke-ga. Waxay tani ka danbeysay markii ninka uu muddo 50 saacadood ah isticmaalayay Internet.

Sida uu muujiyay muuqaal CCTV ah, ninka aan la shaacin magaciisa ayaa yimid xarun bixisa Internet-ka subaxnimadii hore ee 31-kii Maarso isaga oo aan ka kicin kursiga muddo 50 saacadood ah.

Shaqaalaha xarunta ayaa xaqiiqsaday in ninka uu ku fadhiyay kursiga muddo labo maalin ah isaga oo adeegsanayay Internet-ka. Markay u tageen ayay arkeen in uu naafo ka noqday socodka iyo hadalka.

Waxaa la geeyay isbitaalka People’s Hospital isaga oo miir daboolan. Dhaqaatiirta ayaa ka helay xannuunka faaliga (Stroke-ga).

Ma cadda xilliga uu ku dhacay xannuunka hase ahaatee dhaqaatiirta ayaa sheegay in uu cudurka haleelay 24 saacadood kahor inta aan la soo gaarsiin isbitaalka.

Xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa xusay in haddii dhibanaha la keeni lahaa isbitaalka xilli hore suuragal noqon laheyd inay kahortagaan dhaawaca gaaray maskaxdiisa. Dhibanaha ayaa wali soo kabanaya laakiin mugdi weyn ayaa ku jira xaaladiisa caafimaad.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan