Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / Ogow sababta guurka lamaane loogu qabtay garoon diyaaradeed

Ogow sababta guurka lamaane loogu qabtay garoon diyaaradeed

Himilo FM – Waxay u badan tahay in aad u aragto in garoon diyaaradeed uusan ku habbooneyn guur hase ahaatee lamaane Mareykan ah waxa uu u yahay billowga xiriirkooda.

Michelle Belleau iyo Ron Peterson ayaa isku guursaday garoonka diyaaradaha Cleveland Hopkins International Airport maalintii sabtida.

Ku dhawaad 120 qofood oo marti ah ayaa ka qeyb galay arooska oo noqday kii ugu horreeyay ee lagu qabtay garoonka diyaaradeed.

Warbaahinta Mareykanka ayaa si weyn wax uga qortay sheekada iyadoo sababta lagu sheegay in markii hore lamaanaha isku barteen garoonka. Waxay go’aansadeen in guurkooda ka dhaco isla goobta kulmisay.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, lamaanaha ayaa markii ugu horreysay ku kulmay garoonka 12 sanno kahor.

“ Waxaan si dhab ah u dooneynay in aan isku guursano halkii aan markii hore isku baranay, wax kale oo wanaagsan kama aanan fekerin,” ayuu yiri Belleau.  

Bogga Cleveland.com ayaa soo wariyay in lamaanaha oo hadda ku nool Los Angeles uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl oo masaafadiisa fog tahay.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan