Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Maalmaha Caalamiga / 23 April – Maalinta Caalamiga ee Buugga iyo Xuquuqda Lahaanshaha

23 April – Maalinta Caalamiga ee Buugga iyo Xuquuqda Lahaanshaha

Himilo FM– Maalinta Buugga iyo xuquuqda Lahaanshaha ama Copy-right-ka waa dhacdo sanadle ah oo ay soo agaasinto hey’adda QM u qaabilsan dhaqanka, culuumta iyo wax-barashada ee UNESCO. Sanad kasta 23 bisha April ayaana la xusaa.

Dhacdada gaarka ah ee munaasabada maalintan ayaa daaha looga rogaa ku kala duwanaanta siyaalaha hal-aqrinta, lahaanshaha xuquuqda iyo daabacadda dunida ka jirta.

 “Maalinta Buugga iyo Xuquuqda Lahaanshaha waa fursad lagu iftiimiyo awoodda buugaagtu ku yeesheen aqoonta Aadanaha kala duwan ee oogada arlada dul saaran,” Agaasimaha guud ee UNESCO, Ms Irina Bokova ayaa ku tiri farriin bogga hey’adda lagu daabacay.

Waxay sidoo kal sheegtay inay dunida ka jirto macluul xagga buugaagta ah maadaama dadka damanayaasha ah ama arag la’ iyo kuwa kale ee lixaadkoodu dhimman yahay aysan heli karin buugaag badan oo iyaga gaar u ah.

Hayeeshe dal kasta ma ahan mid u dabaal-dega xuska maalintan sida Australia iyada oo waliba xubin ka ah hey’adda QM. Marka loo eego Book Town Australia, muwaadiniintoodu waxay si sanadle ah u xusaan toddobaadka Buugga gudaha bisha August.

Tani iyo sanadkii 1945-kii ayuu guddiga buugaagta dhallaanka soo agaasimayay xuskan oo waliba ka fog, taariikh ahaan, markii Maalinta Caalamiga ah ee Buugga iyo Xuquuqda Lahaanshaha la asteeyey oo ku beegan 23 April sanadkii 1995.

Marka loo eego website-ka QM, UNESCO ayaa abuurtay Maalinta Caalamiga ee Buugga iyo Xuquuqda Lahaanshaha sanadkii 1995 mar lagu guda—jiray mid kamid ah shirarkeeda guud oo ka dhacayay Paris. Waxay dooratay 23 April waayo waa taariikh u tusmeysan suugaanta. Waana isla taariikhdan oo ku beegan waqtiyadii ay geeriyoodeen qorayaashii reer Galbeed ee caanka ahaa sida William Shakespeare iyo Inca Garcilaso de la Vega.

Si kastaba, xuquuqda lahaanshaha waxa keenay in lagu lamaaniyo Maalinta Buugga Caalamiga ayaa ah inaysan ku noqon nabad-gal qoraallada ku yimaada gaaxda kasoo maaxata qofka maskaxdiisa.

Dadka qaar waxay u dhaw yihiin inay si fudud ku qaataan qoraallada iyo xogaha ay ka helaan ilaha wax laga aqristo – ka foojignaan la’aanta ilaalinta xuquuqda lahaanshaha. Tani waxay abuurtaa laba mid. In qofka xadaya lahaanshaha uusan in badan ku fikirin kartida iyo hibada ku jirta maskaxdiisa; iyo in qofka iska leh xuquuqda lahaanshaha uu niyad ahaan u quusto. Taasina waxay mar kasta cuuryaaminaysa bulshadeenna oo luminaysa helidda jiil qorayaal ah.

Soomaaliya kamid ma ahan dalalka saxiixay xuquuqda lahaanshaha ama copy-right-ka.

Dunida kale, horumarrada ay ka gaareen xuquuqda lahaanshaha qoraallada waxay qeyb ka noqotay in bulshooyinku noqdaan kuwo wax aqriya; kadibna ku dhiirrada inay wax qoraan. Dib u dhaca heysta umadda Muslimka ah ayay kamid tahay qoraal yarida iyo aqriska. Taas oo ummadaha kale naga reebtay.

Si umadda Muslimka ah dib loogu celiyo dhaqankii wax aqriska oo waxyigii ugu horreeyey lagu bilaabay kalmadda Aqri, waxaan u baahannahay helidda waddooyin kasta oo noo fududeyn kara hal-aqriska.

Ilaalinta xuquuqda lahaanshaha buugaagtana waxay qeyb ahaan u tahay lama huraan. Waayo marka qoraha da’yarka ahi uu dareemo in waxa uu qorayo ay si nabad leh keydka taariikhdiisa u galeyso , wuxuu kusii dhiirranayaa shiilista maskaxdiisa.

Halka kuwa kale ee dhayalsada naftoodana ay u noqoneyso imtixaan ay ugu danbeyn kusoo saaraan qoraallo taariikhda gala. Taasina waxay jid u noqon kartaa soo if baxa jiil qorayaal Soomaaliyeed ah oo iskaashi mooyee; xatooyo aan ku saaxiibin.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan