Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / Hooyo nin u shaqaaleysiisay si uu u matalo aabaha gabadheeda!

Hooyo nin u shaqaaleysiisay si uu u matalo aabaha gabadheeda!

Hooyo u dhalatay Jabaan ayaa u kireysay gabadheeda nin u matala booska aabaheed oo dhintay si aysan u dareemin cidlo islamarkaana aan loo dhihin agoon.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa qortay in waalidiinta Maijomi kala tageen iyadoo aabaheed la waayay tan iyo xilligaasi. Hooyada oo lagu magacaabo Asako ayaa sheegtay in maqnaanshiyaha aabaha aysan carqalad ku noqon gabadheeda illaa ay ka soo gaarto da’da 10-ka sanno.

Ms Asako ayaa oggaatay isbadalka ku yimid gabadheeda iyadoo joojisay la sheekeysigeeda islamarkaana diiday inay u baxdo dugsiga. Tani waxay keentay in hooyada ka fekerto xal kasta xataa haddii uu been yahay oo Maijomi ku farxi karto.

Hooyada ayaa maqashay sheekooyin ku saabsan dad loo kireysto howlo cayiman, waxay nin u shaqaaleysiisay si uu u matalo aabaheed.

Waxaa laga soo xushay ninka 5 kamid ah dadka tartamayay ee doonayay inay aabe u matalaan gabadha reer Jabaan.

“ Codsigeyga waxa uu ahaa mid fudud, keliya waxaan doonayaa in uu gabadha u matalo booska aabe islamarkaana uu u muujiyo naxariis.”

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan