Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / South Korea oo marti gelineysa xaflad sanadeed loogu debaaldegayo Ramadaanka.

South Korea oo marti gelineysa xaflad sanadeed loogu debaaldegayo Ramadaanka.

Himilo FM – Dawladda South Korea waxay qabaneysaa xaflad sanadeed lagu weyneynayo bishan Ramadan, waxa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan muslimiinta dalkaas, wargeyska Yonhap ayaa warkan ka soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda.

Munaasabadan waa xafladdan affur  ah waxay noqoneysa middii 16aad waxaa lagu wadaa in lagu qabto Hotelka Lotte oo ku yaal caasimadda Seoul Kim In Chul oo ah afhayeenka wasiirka ayaa xogtan kooban sheegay.

“Waxaan casuunay 170 wakiil oo ay ku jiraan siyaasiinta dawladaha ku mideysan ururka iskaashiga  islaamka, waxaan rajeyneynaa iney tani fursad u noqoto isku xirnaanta muslimiinta iyo dadka reer South Korea,” sidaa waxaa hadalkiisa ku daray afhayeen Kim.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee South Korea waxay xafladan qabaneysay tan iyo sannadkii 2004, waxaa lagu kulmiyaa muslimiinta iyo muwaadiniinta dalka.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan