Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Dhaqaale / Saameynta dagaalka ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha oo gaaraysa ascaarta kabaha

Saameynta dagaalka ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha oo gaaraysa ascaarta kabaha

Himilo FM –Dalka Mareykanka, ascaarta kabaha la xerto ayaa laga baqdin qabaa inay sarro u kacdo sabab la xiriirta dagaalka xagga ganacsiga ee u dhaxeeya xukuumadaha Washington iyo Beijing.

Tusaale dadka orodka xiiseeya, waa inay ku tala galaan in qiimaha kabaha lagu ordo inay noqon doonaan 206 doolar halka immika ay ku fadhiyaan qiimo lacageed dhan 150 doolar.

Tani waxay dhacaysaa marka madaxweyne Trump uu ku adkeysto canshuuraha dheeraadka ah ee uu saaray Shiinaha.

Canshuurta cusub ayaa saameyn ku yeelanaysa badeecadaha Shiinaha ee la geeyo Mareykanka oo lagu qiimeeyay 325 Bilyan oo doolar.

Ascaarta kabaha carruurta ayaa noqon doonta qiimo dhan 15 doolar iyaga oo xilligan ku fadhiya 10 doolar sida laga soo xigtay hay’adda Mareykanka ee FDRA.

Kabaha kubadda koleyga oo kale, waxa uu qiimahooda gaari doonaa 179 doolar halka kabaha lagu kalluumeysto lagu qiyaasay 249 doolar.

Si kooban, marka la fiiriyo ascaarta kabaha, qoys kasta oo Mareykan ah waxaa kaga lumaya 169 doolar sannadkii.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan