Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Deegaan / Pakistan: Marka aad guri dhisanayso waa inaad beertaa labo geed!

Pakistan: Marka aad guri dhisanayso waa inaad beertaa labo geed!

Himilo FM –Si looga shaqeeyo billicda deegaanka, maxkamadda sarre ee Lahore ayaa ku dhawaaqday inay waajib tahay in qofka uu ugu yaraan talaalo labo geed marka uu dhisanayo guri.

Isaga oo akhrinayay warqad furan oo la xiriirta wasakhda deegaanka ayaa Jawad Xasan oo katirsan maxkamadda sarre ee Lahore waxa uu ku amray muwaadin kasta oo guri ka dhisanaya magaalada inay waajib ku tahay beerista labo geed.

“Tani waa arrin ku saabsan mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Jawad Xasan.

Haddii uu qofka u hoggaansami waayo, waxaa dib looga noqonayaa warqadda loogu fasaxay in uu ku dhisto guriga sida laga soo xigtay Jawad Xasan.

Waxaa intaa dheer in warshadaha waaweyn lagu amray inay qaataan siyaasadaha lagu xaqiijinayo deegaan wanaagsan.

Khubaro ayaa goor sii horreysay u gudbiyay maxkamadda sarre ee Lahore warbixin ku saabsan saameynta warshadaha ku leeyihiin wasakhda deegaanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan