Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Shiinaha: Nin dhallinyaro ah oo fagaare lagu dharbaaxay 52 jeer!

Shiinaha: Nin dhallinyaro ah oo fagaare lagu dharbaaxay 52 jeer!

Himilo FM –Dalka Shiinaha, nin dhallinyaro ah ayaa wajahay xaalad adag oo kaga timid gabar uu saaxiib la yahay oo ku dhiiratay inay ku dharbaaxdo meel fagaare ah 52 jeer.

Sababta waxaa loo celinayaa markii uu wiilka u soo iibin waayay gabadha taleefan nuuca caaqilka ah oo haddiyad uu uga dhigo maalinta jaceylka dalka Shiinaha.

Dhacdada laga soo wariyay gobalka Sichuan ayaa argagax ku reebtay dad badan. Muuqaal ku saabsan sheekada oo la helay ayaa muujinaya gabadha dhallinyarada ah oo ku tirinaysa dharbaaxsho ninka meel fagaare ah oo ay ku soo xoomeen dad badan.

Inkasta oo uusan muuqaalka muujineyn 52 dharbaaxsho haddana booliiska ayaa sheegay in ninka la dharbaaxay 52 jeer iyadoo lagu sharaf dilay dad badan.

Malaayiin qofood oo daawaday muuqaalka ayaa la yaabay degganaanta wiilka dhallinyarada ah oo dharbaaxsho kala kulmaya gabadha isaga oo aan sameyneyn wax dhaqdhaqaaq ah.

Booliiska ayaa mar danbe soo gaaray goobta iyaga oo kala ceyriyay dadka isugu yimid fagaaraha ee daawanayay dhacdada.

Ninka dhallinyarada ah ayaa u muuqday in uu ilaalinayay gabadha saaxiibtiis ah oo ka sugeysay haddiyad maalinta jaceylka Shiinaha sida laga soo xigtay booliiska.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan