Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Di Maria oo sheegay in keliya Messi uu ugu biiri lahaa Barcelona

Di Maria oo sheegay in keliya Messi uu ugu biiri lahaa Barcelona

Himilo FM –Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di María ayaa u muuqda mid illaabay waayihii kooxda Real Madrid kuna biiri karo Barcelona, waase hal sabab oo ah si uu ula ciyaaro xiddiga ay qaraabada yihiin ee Lionel Messi.

Di María ayaa ku raaxeytay ollolaha 2018-19 isaga oo dhaliyay 19 gool sidoo kalena caawiyay 17 gool dhammaan tartamada oo uu u ciyaaray kooxda PSG. Xiddiga qaranka Argentine ayaa door qurxoon ka ciyaaray in uu maqnaa Neymar, wuxuuna kooxda ka saaciday in si raaxo leh uu kula guuleysto horyaalka Ligue 1.

Si kastaba, Di Maria ayaa maalmo dahabi ah kusoo qaatay kooxda Real Madrid, xilli ciyaareedkii 2013-14 ayuu Los Blancos ka saaciday inay hantaan koobkii 10-aad ee Champions League kaddib dhammaadka tartanka oo ay la ciyaareen kooxda Atletico Madrid.

Wareysi uu dhawaan bixiyay ayuu wax badan kaga hadlay macquul ahaanshiyaha uu ugu biiri lahaa kooxda Barcelona isaga oo taasi ku xusay keliya Messi.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan