Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Maxaa ku qasbaya Lu Ziquan in uu cunto qaato 5 jeer maalin kasta?

Maxaa ku qasbaya Lu Ziquan in uu cunto qaato 5 jeer maalin kasta?

Himilo FM –Dalka Shiinaha, cunug yar ayaa maalintii qaata cunto 5 jeer si uu u badbaadiyo waalidkiisa oo ka cabanaya xaalad caafimaad oo adag.

Warbaahinta Sky News ayaa tilmaamtay in Lu Ziquan uu muddo 7 sanno ah ka cabanayo xannuunka loo yaqaan Leukemia hase ahaatee xaaladiisa caafimaad ayaa xummaatay sannadkii hore isaga oo u baahday in dhiig lagu shubo.

Si aabbaha uu uga gudbo xannuunka, waxa uu u baahan yahay qaliin loogu beerayo dhuuxa lafaha iyadoo cunugga yar uu noqday midka keliya ee kamid ah qosyka ee jirkiisa uu lamid yahay aabbihiis sida laga soo xigtay dhaqaatiirta.

Khubarada caafimaadka ayaa tilmaamay in cunugga yar looga baahan yahay in uu kordhiyo miisaanka jirkiisa haddii uu doonayo in uu dhuuxa lafaha ugu deeqo aabbihiis.

Tani waxay u baahan tahay in cunugga uu qaato cunto 5 jeer maalintii iyadoo la siinayo hilib iyo bariis badan.

Miisaanka cunugga Ziquan ayaa laga doonayaa in uu noqdo 45 kg si uu dhuuxa lafaha ugu tabaruco aabbihii.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan