Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Deegaan / Shiinaha oo nadiifinaya hawadiisa wasaqeysan si uu uga faa’iideysto tamarta qorraxda

Shiinaha oo nadiifinaya hawadiisa wasaqeysan si uu uga faa’iideysto tamarta qorraxda

Himilo -Shiinaha oo heysta tamar qorraxeed sugan inka badan dalalka caalamka ayaa doonaya in uu ka faa’iideysto inkastoo uu wajahayo hawo wasaqoobid tii ugu xummeyd dunida.

Sannadihii ugu danbeeyay, xukuumadda Shiinaha ayaa billowday inay hagaajiso hawada wasaqda ah xilli laga muujiyay cabasho xooggan oo ka timid muwaadiniinta.

Baarayaasha jaamacadda Beijing ayaa sheegay in hawada wasaqda ah oo la nadiifiyo in laga dhaxli karo faa’iidooyin dhaqaale iyadoo laga abuurayo tamar qorraxeed.

Bret Showtiz oo katirsan machadka tiknolojiyadda Switzerland ayaa xusay in baaritaan laga sameeyay 119 xarun oo ku taalla Shiinaha in uu muujiyay in wasaqda hawada yareyso tmarta laga dhaliyo qorraxda 13%

Marka la gaaro sannadka 2030-ka, Shiinaha ayaa rajeynaya in uu kordhiyo tamarta uu ka dhaliyo qorraxda seddex jibaar sida saraakiisha dalkaasi laga soo xigtay.

Waxa uu ku soo aadayaa qorshahan iyadoo Shiinaha uu bilaabay in uu ka hirgaliyo tamarta qorraxda magaalooyin badan inkastoo dadaalada ay cuuryaaminayso hawada wasaqeysan ee magaalooyinka qaar.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan