Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Cagliari oo beddalka Barella ka ishaaratay Boca Juniors

Cagliari oo beddalka Barella ka ishaaratay Boca Juniors

Himilo – Cagliari ayaa Nicolò Barella ka iibisay Inter, sidaasi darteed haatan waxay wadahadalo la leedahay Boca Juniors  oo ay ka doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Nahitan Nandez .

Barella ayaa dhameystiray ku biiristiisa kooxdiisa cusub  jimcihii lacag dhan € 50m isagoo u saxiixay qandaraas laba sanno ah.

Kooxda Sardinians -ka ayaa u baahan beddelkiisa, wargayska  Sky Sport Italia ayaa soo warinaya  inay wadahadal la galayaan Boca Juniors oo ay ka doonayaan xiddigooda Nandez.

Nandez wuxuu horay ugu dhawaaday in uu ku biiro  Cagliari  bishii Janaayo, markii Barella u muuqaday inuu ku sii jeedo Napoli.

23 jirkan heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa qandaraaskiisa  uu kula jiro Boca  ku eg illaa June 2020-ka.

Dhanka kale, Sport italia ayaa soo jeedinaya in Cagliari ay qarka u saaran tahay saxiixa xiddiga Croatia iyo kooxda Napoli Marko Rog.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Rog uu ku biiri doono Eintracht Frankfurt.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan