Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Dhaqaale / Wax ka ogow shaqooyinka ugu mushaarka badan Ruushka

Wax ka ogow shaqooyinka ugu mushaarka badan Ruushka

Himilo- Khubaro katirsan machadka shaqada Ruushka ayaa sameeyay baaritaan la xiriira shaqooyinka loogu jecel yahay dalka; oo ka dhigan kuwa ugu mushaarka badan.

Afhayeen u hadlay machadka ayaa sheegay in xirfadlayaasha loogu baahi badan yahay suuqa inay yihiin kabalyeeriga, cunto-kariyaha, xisaabiyaha iyo darawalka tareenka.

Waxa uu intaa raaciyay in sidoo kale dalbaadka la xiriira injineerada kiimikaalka, tababaraha dhismaha jirka iyo korontiistaha yihiin kuwa tiro badan.

Shaqooyinka farmashiyaha, hubinta tayada badeecadaha iyo xoggaha ayaa sidoo kale boos wanaagsan ka heysta suuqa shaqada Ruushka.

Bogga Kr.ru ayaa daabacay maqaal ku saabsan shaqooyinka ugu dalabka badan suuqa Ruushka; Cunto-kariyaasha ayaa yimid booska koowaad.

Marka la fiiriyo shaqooyinka ugu lacagta badan, dhaqtarka cudurrada haweenka iyo khubarada farsamada macluumaadka (IT) ayaa ugu mushaar badan xirfadlayaasha Ruushka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan