Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Dhaqaale / Hantida bilyaneerada caalamka oo hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo 10 sanno ah

Hantida bilyaneerada caalamka oo hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo 10 sanno ah

Himilo- Hantida bilyaneerada caalamka ayaa hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo ku simman 10 sanno sida ay tilmaameen warbixino cusub.

Bankiyada UBS iyo PwC oo ah halka inta badan bilyaneerada dunida ku keydsadaan lacagaha ayaa xaqiijiyay hoos u dhaca iyadoo immika lagu qiyaasay hantida maal-qabaneenada 388 Bilyan oo doolar.

Sida ay qortay wakaalada Reuters, waxaa arrintan loo celinayaa hoos u dhaca hantida bilyaneerada Shiinaha oo ah dalka 2aad oo ay ku nool yihiin maalqabeenada caalamka.

Waxaa kale oo loo aaneynayaa saameynta xiriirka ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha oo sii xummaanayay waayihii danbe.

Joseph Stadler oo katirsan bankiga UBS ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo ay hoos u dhacdo hantida bilyaneerada caalamka tan iyo sannadkii 2008-dii.

Bilyaneerada caalamka ayaa sii yaraanaya marka laga reebo labada qaaradood ee Ameerika sida lagu xusay warbixinta Reuters.

Inta badan bilyaneerada dunida ayaa wajahaya walwal badan oo ay ka qabaan xiisadaha ganacsiga ee caalamka, taasi oo ka reebaysa inay difaacdaan hantidooda.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan