Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Hindiya: Bukaan laga saaray kelli culeyskeedu yahay 7.4kg

Hindiya: Bukaan laga saaray kelli culeyskeedu yahay 7.4kg

Himilo- Dhaqaatiir ku dhaqan dalka Hindiya ayaa ku guuleystay inay bukaan ka saaraan kelli culeyskeedu yahay 7.4kg oo u dhiganta miisaanka labo carruur oo dhawaan dhalad ah.

Inta badan, culeyska kellida ayaa u dhaxeeya 120 illaa 150 garaam. Waxay aaminsan yihiin dhaqaatiirta in kellidan tahay tii ugu weyneyd oo laga saaro bukaan xannuunsanaya gudaha dalka Hindiya.

Bukaanka ayaa ka cabanayay xannuun ku dhaca kelyaha oo lagu kala qaado dhaxal islamarkaana weyneeya xubintan.

Mid kamid ah dhaqaatiirta ka qeyb galay howlgalka lagu saaray kellida ayaa sheegay in xannuunka lagu arkayo dad badan. Keliya waxaa qofka laga saaraa xubinta marka uu jiro dhiig bax darran oo gudaha ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan