Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Khubaro: Soonka joogtada ah ayaa kahortag u ah wadno xannuunka

Khubaro: Soonka joogtada ah ayaa kahortag u ah wadno xannuunka

Himilo – Baaritaan lagu daabacay majaladda MedicalXpress ayaa tilmaamay saameynta soonka joogtada ah uu ku reebo caafimaadka wadnaha iyo da’da qofka.

Hay’adda caafimaadka wadnaha Mareykanka ayaa sheegtay in soonka joogtada ah uu yareeyo khatarta cudurrada wadnaha isaga oo dheereeya da’da qofka.

Baaritaanka ayaa waxaa ka qeyb galay ku dhawad 2000 qofood. 389 qofood ayaa lagu tijaabiyay soonka joogtada ah muddo afar sanno iyo bar oo xiriir ah.

Khubarada ayaa la socday xaaladda ka qeyb galayaasha iyaga oo oggaaday in dhimashada kooxdan hoos u dhacday 40% marka loo fiiriyo kooxda kale ee aan afka xeran.

Tirakoobyo caafimaad oo la xiriira wadnaha ayaa muujiyay in dadka sida joogtada ah u sooma in aysan u bandhigneyn khatarta cudurka wadnaha 71%.

Seynisyahanada qaar ayaa xusay inay kedis ku noqotay natiijadda daraasadda. Waxay intaa raaciyeen in soonka maalin kamid ah bisha inay ka dhigeyso jirka qofka mid firfircoon oo ku jira xaalad deggan.

About admin

error: Copy lama Ogola Fadlan