Home / Macluumaad / Maxaad dhaxleysaa marka aad dhir beerto?
side view of father and son planting tree at park

Maxaad dhaxleysaa marka aad dhir beerto?

Himilo – Dhir beeristu waa mid kamid ah waajibaadka mideeya jiil kasta oo koonkaan ku imaanaya qaddarta eebbe, sababtuna waa in dhirtu tahay saaxiibka ugu dhaw degaanka, degaankuna waa halka hoyga iyo noloshaba u ah aadamaha cammiraya koonka.

Asal ahaan dhirta ayaa ah cunsur asaasiya oo uusan ka maarmin degaanka, laguna garta heerka degannaantiisa, ujeedkuna waa in ka sokow quruxda muuqaalkiisa ay tahay dheeli tiraha ka hortagga xaalufka (nebaadguurka) iyo abaaraha.

Cusuurtii aadamuhu ku tiirsanaa ugaarsiga kaddib, qarniyadii dhexe waxa ay bilaabeen muslimiintii ku sugneyd waqooyiga afrika iyo bariga fog iney baahiyaan aqoonta la xiriirta dhir beerista oo uu insaanku ka  maarmo isha keliya ee ugaarsiga,  Dawladdii Shiinaha oo horumarin ku sameysay aqoontii ay hindiseen muslimiinta ayaa waxa kaga sii danbeeyay dawladaha Yurub. ilaa markii danbe la gartay in dhirtu tahay wehelka aadamaha oo sinna looga maarmin.

Dunida maantana waxaa lagu baratamaa in la beero geedaha iyada oo looga gol leeyahay in laga hortago xaalufinta degaanka iyo isbeddelka ku imaanaya cimillada isla markaana la helo degaan cagaaran si ay manfac uga helaan dadka iyo duunyada.

Ahmiyadda ay leedahay geed tallaalida waxa lagu sheegay Quraanka kariimka, si lamid ah nabigeenna Muxamed NNKH waxa ka sugnaatay xadiis micnihiisu yahay “Inaad geed beerto oo la cuno waa saddaqo, haddii la xado waa ajar, haddii lasoo booqdana waa saddaqo aan idlaan oo uu Eebbe kugu abaal marinayo, sidoo kale riwaayad uu weriyey Muslim ayaa inoo caddeyneysa qofka muslimka ah haddii uu geed beero islamarkaana bini-aadamka, xayawaanada lararto iyo shimbiraha ay cunaan iney tahay saddaqo kuu soconeysa ilaa maalinta qiyaamaha.

Tusaale ugu mudan qarnigaan waa Itoobiya; dhammaadka bishii July 2019 Xukuumadda Addis ayaa dunida ka sameysay rikoor lama ilaawaan ah kaddib markii ay hal maalin ku beertay 350 milyan oo geed, waa tallaab ay uga gol-laheyd in dhulkeedu noqdaa doog soo jiita dhaayaha.

Diiwaanka la xiriira dhir beerista intaasi kuma eka dunida maanta oo waxaa jira rikooro badan oo ku dhigan buugga diiwaanka caalamka, kuwa mar la aragga ah ee raadeeyay quluubteenna waxa ka mid ah; Ken Chaplin oo u dhashay dalka Canada oo sannadkii 2001 hal maalin ku beeray 15,170 geed.

Tusaale kale dalka Holland oo kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Yurub waxa uu bilaabay in saqafka sare ee goobaha dadka ku sugaan gaadiidka dadweynaha ay ku beeraan ubaxa;  taasi oo faa’iido u ah noolaha shinnida, Aadamahana il-doogsi u ah.

Bal qiyaas haddii reer Holland ay u daneynayaan duunyada! inagunna maxaa inoo diidaya in aan ku dayanno isla markaana hareeraha waddooyinkeenna aynu ku beerno dhir?

Haddii ay suura gal noqoto fikraddaan, faa’iidada ka dhalan karta waxay tahay in beeraha dhirtaasi uu Ilaah abaal gud u siinayo ajar fara badan sida ku cad qur’aanka iyo axaadiista Nabigeenna NNKH, iskaba daa muuqa qurxoon iyo bilicda degaanka oo tusaale cad u noqonaya deganaanta iyo ilbaxnimada dalka.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed

About admin

error: Copy lama Ogola Fadlan