Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caruurta / Immisa carruur ah ayaa dhalatay maalintii ugu horreysay ee sannadka 2020-ka?

Immisa carruur ah ayaa dhalatay maalintii ugu horreysay ee sannadka 2020-ka?

Himilo – Maalintii ugu horreysay sannadka 2020-ka, ku dhawaad 392 kun oo cunug ayaa ku dhashay caalamka oo dhan sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay.

UNICEF ayaa sheegtay in Hindiya ay ku dhasheen dhallaanka ugu badan oo gaaraya 67,000, waxaa soo raacay Shiinaha oo ay u dhasheen 46,000 cunug.

Kaalmaha kale ee xiga waxaa soo galay dalalka Nigeria, Pakistan, Indonesia, Mareykanka, jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo iyo Ethopia.

Hay’adda QM ayaa shaacisay hoos u dhaca heerka dhalmada dunida oo dhan xilli koror laga soo calaameeyay dhimashada dhallaanka 30-kii sanno ee la soo dhaafay.

Ku dhawaad 2.5 Milyan oo carruur ah ayaa dhintay bishii ugu horreysay ee dhalashadooda sannadkii 2018-ka. Waxay ku baxeen cudurro la daweyn karay.

UNICEF ayaa ku baaqday in la hubiyo ilaalada ay u baahan yihiin hooyada iyo dhallaankeeda dhawaan dhaladka ah iyadoo loo fidinayo adeegga caafimad oo ay mudan yihiin.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan