Home / Habka-Nolosha / Haddii kuwa aan wax-dhalin Wax-dhali lahaayeen!

Haddii kuwa aan wax-dhalin Wax-dhali lahaayeen!

Himilo – Dhalmo la’aantu waa waaya’aragnimo qof ahaaneed iyo nolol walwal badan. Hal wareega aadunuhu nolosha ka sameeyo waxaa udub-dhaxaad u ah dhalmada. In qofku uusan wax dhalin waxay hadiyo jeer walbahaar ku reebi jirtay dadka intiisa aan loo qorin inay wax dhalaan.

Si gaar ah Soomaalidu, dhalmo la’aantu waa waxyaalaha ugu waaweyn oo ay ka duceysan jireen. Taxanaha ducooyinkii aan ka baranay aabayaasheenii hore waxaa ugu door roon ‘ha gablamin’ oo ka dhigan ubad la’aan Alle kuma dhigo.

Waxaa taas kasii dheer, murtideenna waxaa ku jirta maahmaah tiraahda’ dhul iyo wax la dhalay unbaa marti loo yahay.’ Tani waxay muujinaysaa in ubadku nolosheenna u yihiin tiir sugan iyo dhaxal taabba-geli kara.

Xittaa marka aan u laabano diinteenna, ilmuhu waa nicmooyinka waaweyn ee Eebbe galad ahaan u bixiyo. Markii Nabi Zakariya cs uu gu’yaal is cirbinaya noolaa isaga oo waxba dhalin; wuxuu Ilaahay weydiistay inuusan gablan ka dhigin. Markaas ayuu Deeqbadanuhu ugu gargaaray wiil loo bixiyay Yaxya.

Runtii inaan waxba la dhalin; xilli asaagaa uu wax dhalayo – in kasta oo ay tahay waaya’aragnimo xanuun badan – haddana waxay lahan qarsoon ku reebtaa qof kasta; Muslim iyo Gaalba. Farqiga qura ee labadaas u dhaxeeya ayaana ah aqoonsiga qaddarka.

Si kastaba, dhalmo la’aantu waa mushkilad caalami ah oo aan umad iyo dal gaar ugu saabsaneyn. Balse waa xaalad naadir ah. Waayo inta wax dhashaa ayaa kun jibbaar ka badan kuwa aan inay wax dhalaanba loo qorin.

Labada lammaane teeda dhedigta ayay xaaladanni inta badan lasoo deristaa. Warka fiicani wuxuu yahay in dhalma la’aantu mararka qaar xal muuqda loo heli karo haddii la raaco tilmaamaha ay bixiyaan dhaqaatiirta ku gaaroobay gadaala-aqoonka. Warka aan ka-doodista laheynina waa in dhalmo la’aantu tahay aayad kowni ah oo taniyo inta aadunuhu soo tarmi jiray xog ogaal loo ahaa.

Majiro cudur ilaa wuxuu Ilaahay usoo dejiyay wixii lagu daweyn lahaa. Dhalmo la’aantu waa nuuc kamid ah xanuunnada dahsoon oo aan mararka qaar si muuqata loo daah-rogi Karin sababta ka danbeysa. Qof ayaa laga yaabaa in dhaqaatiirta uu soo arkay oo dhami ay ku yiraahdeen ‘majirto dhibaato kaa heysata dhalmada’, haddana waxay ku qaadataa sannado badan inuu sugo maalinkii loo qoray inuu wax dhalo ama uu waqti ka sokeeya uu ifka isaga tago. Mana ahan sir weyn oo naga qarsoon dhammaanteen xaqiiqadeeda.

Waagii hore oo wax-iskula-daalka ‘daaweynta’ loogu roonaan jiray dadka aan waxba dhalin si ay ugu danbeyntii isu sarifaan, haddana dadaalkaas la bixiyo wuxuu mar kasta yeelan jiray labo dhammaad oo farxad iyo uur-ku-taallo ku kala idlaada.

Kuwa ay u suura-gasho inay wax dhalaan xilli danbe waxaa loogu yeeri jiray wadkii dhale. Waayo waxay wax-dhal ku noqdeen duqnimo. Laakiin inta aan waxba biirin, waxaa si weji-ka-qarsi leh loogu oran jiray waa gablan. Micnuhu wuxuu gabay inuu gurbood dhaxlo helo.

Haddii kuwa imtixaanka dhalmo la’aantu ku dhacday loo qori lahaa ubad ay ababiyaan, waxaa iska cad inaysan nimcadaas ku doorsan laheyn tu kale oo ifka taalla. Maxaa yeelay, kuwa goor danbe wax dhala waxaa la arkaa inay laxawsiga iyo ramashada xad-dhaafka leh ee ubadka loo qabo kaga sarreeyaan kuwa goor hore noloshooda loogu hibeeyey carruur badan.

W/Q: Zakariya Xasan Maxamed

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan