Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caruurta / Lakulan – Haweeneyda 50-kii sanno ee lasoo dhaafay xannaaneysay 600 carruur ah

Lakulan – Haweeneyda 50-kii sanno ee lasoo dhaafay xannaaneysay 600 carruur ah

Himilo – Linda Herring had iyo goor waxay dooneysay qoys weyn laakiin ma aysan filaneynin inay xannaaneyn doonto inka badan 600 carruur ah kuwaasi oo gurigeeda ka helaya hoy, cunno, dhar iyo waxa ugu muhiimsan oo ah jaceyl aan dhammaad laheyn.

Hadda waa 75 sanno jir, Herring waxay howshan daryeelidda ah ku jirtay ku dhawaad 50 sanno oo ay ku xafideysay Johnson County ee gobalka Iowa dalka Mareynkanka.

Herring iyo saygeeda Bob, waxay bilaabeen xannaaneyta carruurta markii ay ku noolaayeen Oxford ee gobalka Iowa, waa ayna sii wadeen sameynta ficilkan markii ay usoo guuren Tiffin.

“Saaxiibkayga ugu wanaagsan waxa uu daryeeli jirey gabdhaha yaryar, anniguna waxaan aaminsanna in ay wax fiican tahay sameynta ficilkan, laakiin annigu waxaan door bidi jiray carruurta yaryar,”  ayay Herring u sheegtay CNN-ka.

Waxay intaa raacisay “Waxaan la hadlay waaxda adeegyada dadweynaha way aqbaleen in la qaado carruurtan u baahan adeeg caafimaad.”

Gabadha ay ayeeyada u tahay ee Amber Herring ayaa Today u sheegtay: “Ayeeyadeey had iyo goor wax u qabashada qof kasta ayay ka hormarisaa marka loo eego nafsaddeeda.”

Iyada oo u warrameysa hillinka CNN-ka, Linda ayaa sharraxday dhiiri-gelinteeda: “Waan ooyay markii ay carruurta ka dhaqaaqeen gurigeyga, dhib ma lahan inta ay halkaan joogeen, waxay aheyd wax aad iigu adag in aan iyaga ku dhaho nabad-gelyo.”

“Waxa aan had iyo jeer is-weydiin jirey, ‘ Maxaan sidaan u sameynayaa?’ Maxaa yeelay ma ahan wax fudud in aad igu tiraahdo nabad-gelyo.”

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan