Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / Masar oo sugeysa dhalashada cunuggii buuxin lahaa tirada 100-ka Milyan ee shacabka dalkaasi

Masar oo sugeysa dhalashada cunuggii buuxin lahaa tirada 100-ka Milyan ee shacabka dalkaasi

Himilo – Masar ayaa rajeynaysa dhalashada cunuggii buuxin lahaa tirada 100 Milyan ee shacabka dalkaasi sida laga soo xigtay waaxda tirakoobyada.

Mas’uul katirsan sanduukha QM ee dadka Masar Alexander Poderosa ayaa sheegay in dhalashada cunugga la filayo uu kamid noqon  doono shacab lixdii qofood ee kamid ah 10-kii qofoodba ka yaryihiin 29 sanno.

Illaa iyo immika, tirada shacabka dalka Masar ayaa ah 99,944,421 marka la fiiriyo tirakoobyada dadka ee dalka.

Dalal badan oo ah kuwa Afrika iyo Carabta ayaa laga soo wariyay koror dhinaca dadka ah laakiin Alexander ayaa tilmaamaya in Masar ka duwan tahay maadaama 97% shacabka dalka ku nool yihiin bad dhan 8% baaxadda dalka oo dhan.

Magaalada Qaahira ayaa wajaheysa tiradii ugu badneyd ee dad ah. 1-kii qof ee kamid ah 5-tii qofoodba ayaa ku nool magaalada caasimadda ah.

Xukuumadda Masar ayaa qorsheynaysa in xarumo badan oo wasaaradeed u wareejiso magaalo cusub marka la gaaro bisha June.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan