Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Daraasad / Baaritaan: Carafta ubaxa oo raad wanaagsan ku leh waxbarashada ardayga

Baaritaan: Carafta ubaxa oo raad wanaagsan ku leh waxbarashada ardayga

Himilo – Dad badan ayaa jeclaan lahaa inay waxbartaan iyaga oo jiifa haddii ay suuragal noqoneyso balse baaritaan cusub ayaa daaha ka qaaday saameynta waxyaabaha carfa ku leeyihiin hurdada.

Markii ugu horreysay, daraasad wakhti badan la geliyay oo ay sameysay jaamacadda Freiburg ee Jarmalka ayaa xaqiijineysa saameynta carafta ku reebi karto waxbarashada qofka.

Ka qeyb galayaasha daraasadda ayaa ahaa arday loo qeybiyay labo qeybood; kuwa la barayay erayo afka Ingiriiska ah iyada oo fasalka iyo qolalka jiifka loo dhigay ubaxyo caraf badan. Waxaa kale oo jirtay koox kale oo aan intaasba loo sameyn balse la siiyay cashar ku saabsan erayo afka Ingiriiska ah.

Khubarada ayaa oggaaday in kooxda koowaad ee fasalka iyo qolalka jiifka loo dhigay ubaxyada carafta badan noqdeen kuwa xusuusta erayada maadada Ingiriiska.

Dr Juergen Kornmayer oo madax u ah kooxda baaritaanka ee jaamacadda Freiburg ayaa yiri “Waxaan caddeynay saameynta carafta ku leedahay nolosha maalinlaha ee qofka.”

Way jiri karaan daraasaddo badan oo laga sameeyay carafta iyo wixii la xiriira hase ahaatee tani waxay noqoneysaa tii ugu horreysay ee nuuceeda ah oo diiradda saarta raadka carafta ee waxbarashada ardayda.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan